Xukuumadda oo Wefti Culus u Dirtay Daminta Shaqaaqo ka Taagan Koonfurta Sool

0
315

Caynaba (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wefti ballaadhan u dirtay daminta colaad mar kale dib uga soo cusboonaatay labada beelood ee walaalaha ah ee Koonfurta Gobolka Sool.

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga, Caafimaadka iyo Khayraadka Biyaha, Waxbarashada, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka, Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo madax kale, waxaanay kaga biireen magaalada Laascaanood masuuliyiin kale oo halkaa kaga sii horreeyey oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.

Ujeeddada weftigan ayaa la xidhiidha sidii loo kala dhexgali lahaa labada beelood ee ku dagaallamaya deegaanka Dharkayn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool, isla markaana looga wadashaqayn lahaa waanwaan nabadeed oo mar kale la dhex dhigo labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa faahfaahiyey ujeeddada socdaalka weftiga, waxaannu yidhi, “Weftigan ballaadhan oo ka soo kicitimay ilaa Hargeysa ayaa halkan Gobolka yimi, ujeeddada weftigu uu u yimi oo aniga iyo xubno xildhibaanno ahina aannu uga soo horreynay waxa weeye xaaladdaha nabadgelyada ee Gobolkan ay ka taagnaayeen arrimo shaqaaqooyin  ah in wax laga qabto oo dawladdu xooggeeda saarto oo soo afjarta dhibaatooyinka iyo shaqaaqooyinka beelaha qaarkood dhexyaala.”

Dhinaca kale, Masuuliyiin ka mid ah weftiga xukuumadda ayaa kulan wadahadal ah kula yeeshay magaalada Caynaba wefti uu hoggaaminayey hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Wadahadalkan oo aan warbaahinta wax xog ah laga siin ayaa la sheegay inuu salka ku hayey arrimo la xidhiidha sii socoshada wadahadalladii hore ugu socday Somaliland iyo Khaatumo ee saddexda weji ee hore u qabsoomeen, balse si rasmi ah looma oga natiijada uu ku dhammaaday.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply