Iskaashiga Nolosha Ee Xayawaano Kala Duwan!

0
553

Xayawaanka lagu magacaabo Qariir Casal (Honey Badger) oo ah xayawaan aad u jecel malabka ayaa noqday mid geesi ah oo iska celiya xayawaanada oo dhan xataa libaaxa. Waxa uu cunaa oo uu ka adag yahay Masaska sunta badan iyo dhamaan xayawaanada yaryar. Xayawaankan ayaa aad u jecel malabka isagoo Shinida ku weerara goobaha ay malabka ku samayso.

Waxase yaab noqoday inay xayawaankan is kaashadaan Shimbir lagu magcaabo Baasim (Shimbir Malab). Waxaana uu usoo ogaada goobaha ay shinidu malabka ku samayso. Shimbirkan ayaa afkiisa ugu tilmaama goobta, isaguna wuxu ku qaada weerar, isagoo ku sii daaya neef  sun qadhmuun ah oo ay shinidu ku dhimato.

Intaasi ka dib ayuu Malabka cunaa waxaana  la cunaa shimbirkaasi oo dhiniciisa ka soo gala. Xaywaankani Wuxu kuu ku nool yahay Sacuudiga, Yaman, Hindiya, Nepal iyo dalal kale.  Waxaana uu la dhaqan yahay xayawaanka Xoorka ee dalkeena in kasta oo uu ka weyn yahay.

 

Leave a Reply