Mashruuc Cadceedda Koronto Lagaga Dhalinayo oo Laga Hirgeliyay Laascaanood

0
397

Laascaanood(Dawan)-Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo weftigii  oo hoggaaminayay  ee ka socda  xukuumadda,  ayaa   xadhiga ka jaray mashruuca Cadceeda laga dhalinayo koronto oo laga hirgaliyey Laascaanood.

 

Mashruucan oo uu hirgaliyey gacansadaha  reer Sool ee Xaaji Maxamed Jabuutaawi, oo ay xukuumadda Somaliland door weyn ku lahayd hirgalintiisa, ayaa shalay laga furay magaalada Laascaanood, waxa munaasibad ballaadhan oo loo qabtay ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan.

Wasiirka Madaxtooyada   oo ka mid ahaa madaxdii xafladaasi ka hadashay ayaa si weyn u bogaadiyey ganacsade Maxamed Jabuutaawi, waxaanu yidhi “Waxaan runtii jecelahay inaanu ku bogaadino ganacsadaha Maxamed Jabuutaawi maalgashiga qiimaha badan ee uu sameeyey ee ah in cadceeda koronto laga dhaliyo mashruucaas aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa aadna waanu ugu bogaadinaynaa, waxa kale oo aanu jecel nahay inaanu ku bogaadino inuu ku dhiiraday aduun badana galiyey mashruucaas. Mashruucani shaqo ayuu abuurayaa, dad badan oo dhalinyaro ahbaa ka shaqayn doona, waxa kale oo uu hoos u dhigi doonaa qiimaha korantada magaalada oo iyadana ay maslaxada ummaddu ay ku jirto, waxa iman doona tartan caafimaad qaba, hadii shirkad kaliyi magaalada shidi jirtay, in laba iyo sadexba ay magaalada shidaan way u baahan tahay, Laascaanood-na waa magaalo  aad u weyn bulsho badanina ay ku dhaqantahay inay adeegyo badan hesho ayaa lagama maarmaan ah.”

 

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena ka hadlay horumarka loo baahan yahay in laga hirgaliyo Magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Adeeg koronto oo laga haqab beelo oo jaban, adeegyo telefoono, kuwo caafimaad, kuwo waxbarasho iyo dhammaan adeegyada ay nolosha casriga ah ee reer magaalka ayey u baahan tahay Laascaanood. Waxa kale oo aynu iyagana bogaadinaynaa ragga kale ee muwaadiniinta ah ee mashaariicda kale ee maalgashiga ah ku soo kordhiyey gobolkan, ee ay ka mid yihiin kuwa biyaha sifeeya, kuwa biyaha soo saara, kuwa talafoonada, iyo shirkadii hore ee laydhka ee magaalada shidi jirtay, waxaas oo dhami waa maalgashi, dhamaantood waanu bogaadinaynaa waananu hambalyeynaynaa.”

 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa ugu dambayntii si weyn ula dardaartay Ganacsadata reer Sool oo uu ugu baaqay inay sameeyaan tartan xalaal ah oo cunfi iyo dagaal ka madhan waxaanu yidhi “Dardaaran waxaanu leenahay in la tartamaa nolosha ayey ku jirtaa, xitaa khayrka ayaa loo tartamaa oo Ilaahay (SWT) ayaa innagu yidhi ‘Saabiquu ilal khayraat’ mar kale Ilaahay janooyinka u tartama ayuu inagu yidhi, markaa in noloshada lagu tartamaa waa wax wanaagsan cudur maaha. Waxaanu leenahay waa in loo tartamaa si caafimaad qabta, waa in loo tartamaa si bisayl, waayeelnimo iyo mudakarnimo leh. Waa in loo taramaa iyadoo la dhawrayo qawaaniinta ummadda u taala, waa in loo tartamaa iyadoo la dhawrayo maslaxada guud ee ummadda u taala. Dadku waa inuu danaha guud ee ummadda ka fakaraa, dadkani waa macaash doon waa in aynaan la yaabin iyaguna waa inay danta guud ee ummadda ku daraan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply