Turkiga oo Wada Hindise ay Ternimaal Cusub Kaga Dhisayaan Madaarka Hargeysa

0
437

Hargaysa (Dawan)-  Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland,  Faraxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Wasiirul-dawlaha Wasaaradaas Axmed Nuur Faahiye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas  Cumar C/laahi Aadan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda dalka Turkiga oo uu hoggaaminayay qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Ali Noya,  u-qaybsanaha Turkish Airline Ebubekir Ekici iyo Ramazan Senturk oo ka socda Company-ga Kozuva Group of Companies.

 

Ujeeddada socdaalka weftiga ayaa lagu sheegay inay la xidhiidhay sidii Dawladda Turkigu u dhisi lahayd Terminal casri ah oo uu yeelan doono  Madaarka Cigaal International Airport iyo sidii ay diyaarada Turkish Airline duulimaadyo uga bilaabi lahayd Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawadda, Farxaan Aadan Haybe oo kulankaasi kadib Saxaafada la hadlay, ayaa faahfaahiyey ujeeddada  socdaalka weftiga waxaanu yidhi; “Waxaanu maanta (shalay) halkan shir ku wada galnay wefti ballaadhan oo ka socda Dawladda Turkiga,  weftigaasi laba qaybood ayuu isugu jiray qaybi waxay u socdeen suurtagalnimada sidii loo bilaabi lahaa inay Turkish Airline  duulimaadyo ka bilowdo Somaliland. waxa weftiga ka mid ahaa Ebubekir Ekici oo ah u qaybsanaha hawlaha Geeska Afrika ee diyaarada Turkish Airline, weftiga waxa hoggaaminaayay qunsulka dawladda Turkiga u jooga Somaliland iyo gacan yarahiisa.  waxa kaloo ka qayb ahaa Company horena wada hadal noogu socday oo la yidhaahdo  Kozuva Group of Companies, wadahadalkaasina waxa uu ku saabsanaa sidii Terminal cusub oo casri ah looga dhisi lahaa Madaarka Hargeysa. Runtii laba jeer oo hore ayaanu kulanay intii aan wasaaradan wasiirka ka ahaa qoddobo aanu kula tagnay way jireen.

Waxaad maanta moodaa inaanu isku soo dhownahay sidii wadahadal iyo heshiis laga gaadho sidii loo samayn lahaa Terminal cusub oo casri ah oo uu yeesho Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeisa.”

“Qolada Turkish Airline,  waxaanu isla meel dhignay inay duulimaadyadooda ay bilaabaan laakiin qoddobo ayaa noo dhiman weli aanu isla eegayno haddii kuwaasi noo suurtogalaan waxay noqonaysaa inay duulimaad toosa oo yurub ah bilaabaan oo ah Jabuuti-Hargeysa – Istanbul  ama noqdaana  Istabul-Hargiesa –Jabuuti, markaa weli wadahadal baa noo dhiman oo waanu  xalin doonaa haddii Alle yidhaahdo, weftigu shalay ayuu yimi maantana waa nala joogayaan berina(maanta)  way noqonayaan,”ayuu yidhi Wasiirka Duulistu, waxaanu intaas ku kabay; “Waxaanu isla eegaynaa hindiseyaasha iyo qorsheyaasha annagoo tixgelinayna tirada  rakaabka (passengers)  aanu haysanno  sannadkii diyaaradaha heshiiska hore ugu jiray ixtiraamayna iyo sidoo kale annaga oo eegayna baahida loo qabi karo in Diyaaradaasi timaado oo fursad wanaagsan u ah Somaliland, annaga oo ka fikirayna sidii labadaasi isu qaban lahaayeen.”

 

“Tan kale ee Terminal  kana si guud waanu isla waafaqnay qoddobo yar oo muhiima ayaa noo dhiman, kuwaa haddii aanu isla meel dhignana waxay noqonaysaa inaanu heshiiska iskaashi ka gaadhno. waxaan leeyahay waa fursad wanaagsan oo u soo korodhay Somaliland oo horumarka iyo himilooyinkii Madaxwayanaha ka mid noqon doonta oo hirgalay haddii hawshaasi noo suurto gasho muddada ka hadhay doorashada,”ayuu lagu yidhi qoraal kulankaas Wasiirka iyo weftigaas dhexmaray oo uu shalay soo saaray afhayeenka  Wasaaradda Duulista  Hawadda Ismaaciil Cali Axmed.

Abaal ka-dhaca Xuseen Axmed Caydiid ee Macalinkiisii Siyaasadda  oo Hadheysay Fagaareyaasha Falanqeynta

 

Af xumadu  Xuseen A. Caydiid  Waxay Taallaa Gondihiisa

Wasiirkii hore ee Caddaallada, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa si xaqiiqada ka fog u hafray qoyska Madaxweyne Siilaanyo  oo uu muddo dheer u ahaa taabiiciyiintii adeegeyaasha u ahaan jiray ee uu  siyaasadda soo geliyay  isla markaana madaxweynuhu  abaal guun  ah ku lahaa xilligii halgankii dib u xoreynta dalka, wakhtigii mucaaridka  uu ahaa ee uu hoggaaminayay xisbiga KULMIYE  iyo markii uu ku guulaystay awooda dawladnimada Somaliland saddexda jeerba.

 

Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu ribeeyay qoyska Madaxweynaha oo uu si indho la’aan ah ugu eedeeyay musuqmaasuq, isagoo  xataa gaadhay inuu xurmeyn waayo  marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde oo uu Huteelka ay ka dhaxashay walaalkeed Alle ha u naxariistee Cali Jirde, uu ku tilmaamay mid la geliyay hanti ummadeed, isagoo   haddana u qiray in Marxuum-Cali Jirde  lahaan jiray dhismahan  ku yaalla agagaarka xaruntii Women’s Club-ka ee magaalada Hargeysa.  Waxaanu  si aan laaqi ahayn uga hadlay hawlgalkii Dawladda hoose ee Hargeysa ay ku dumisay toddobaadkii hore deyrarka guryo  soo galay jidka hormara xaruntaas.

Eedaymaha raqiiska ah ee Xuseen Axmed Caydiid, waxay goobaha barkulanka bulshada ka dhalisay dood ay shacbiga iyo dadka ka agdhow saaxadda siyaasaddu ku falanqeynayeen  abaal-ka dhaciisa iyo sida  jibbada mucaaridnimo u geyaysiisay Xuseen  inuu  dafiro  hantidii qoyska reer Sheekh Maxamed Jirde oo uu isku dayay  inuu marin habaabiyo shacbiga xogogaalka ah.

Dadka siyaasadda odorosa ee faaqidayay arrintani, waxay sheegeen in madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xiligii halgankii dib u xoreynta  ee uu ahaa Guddoomiyihii  SNM  uu aad u gacan qabtay Xuseen oo uu ka dhigtay mid ka mid ah gacanyareyaashiisii sida dhow ugu xidhnaa ee uu ku canqariyay siyaasadda.

Waxa  kale oo uu  Madaxweynuhu  xilligii  uu ahaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,  uu  Xuseen Axmed Caydiid  ku daray liiskii  murrashaxiintii  doorashadda Golaha Wakiillada  oo laga sharraxay gobolka Maroodijeex, inkasta oo uu  ku guuldaraystay inuu ku soo baxo xubinimada baarlamaanka, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo  wakhtigaas dhegaha ka furaystay waxgaradka ardaaga Xuseen oo madaxweynaha u soo jeediyay inaanu sharrixin, iyagoo ku doodayay in beeshiisu wadato  Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka sharraxnaa xisbal-xaakimkii hore ee UDUB.

Madaxweyne Siilaanyo  sannadkii 2010-kii  markii  uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyadda, waxa uu Xuseen Axmed Caydiid ku soo daray liiskii 20-kii Wasiir ee uu soo magacaabay maalin ka dib markii uu la wareegay talada wadanka, waxaanu Xuseen u magacaabay  Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta  oo siyaasiyiin badani la yaabeen sababta uu uga xushay siyaasiyiintii deegaankiisa  ee dhinaca aqoonta iyo waayo-aragnimadaba ka mudnaa.

Madaxweynuhu waxa  haddana uu Xuseen u bedalay Wasaaradda Caddaalada, xilkaasi oo uu hayay  illaa bishii Oktober 2015-kii oo uu ka mid noqday xubno Wasiirro ahaa oo doonayay inay afduubaan xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo kuraasidoodii ka yaacay markii madaxweynuhu diiday inuu xisbiga ka sharraxo murrashax ay u wadeen inuu la wareego xisbiga talada haya.

Falanqeeyeyaasha mowduucani waxay sheegeen intii Xuseen hayay xilalka Wasiirnimo in waxgarad iyo siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin u tageen madaxweynaha oo ay ka codsadeen in laga beddalo Xuseen oo ay ku tilmaameen inaanu wax cilaaqaad ah la lahayn dadkii deegaankiisa oo aanu haba yaraatee wax door ah ku lahayn horumarinta deegaannada gobolka Hawd, waxaanay waxgaradkaasi madaxweynaha u soo jeediyeen inuu xilka ka qaado, isagoo madaxweynuhu ku gacansaydhay baaqyadaas.

Waxa dadka arrintan la socday ay aaminsan yihiin in haddii Madaxweynuhu cid u hiiliyay inuu Xuseen Axmed Caydiid ka mid ahaa, dadkii Madaxweynuhu abaalka ku lahaa, hase yeeshee ka abaal ka dhacay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply