U Naxariiso Dadka Kuu Baahan

0
428

Caa’isha (Rc) waxay tidhi: gabadh miskiinad ah baa ii timid iyo laba hablood oo ay dhashay. Markaasaan saddex xabbo oo timir ah siiyey. Midba midbay siisay tii kalena inay iyadu cunto doonaysay. Markay afka inay geliso doontay ayay labadii hablood ka baryeen. Way u kala jeexday oo kala siisay. waxan la yaabay ficilkeedaasi, waxaana u sheegay Nebiga (scw) sidii ay samaysay. Rasuulka Allah (scw) Wuxuu yidhi:” Allah wuxuu u waajibiyey Janno ficilkaasi awgeed; ama Allah Naar ayuu kaga xoreeyey ficilkaasi” (Muslim). Weligaa taageer dadka kuu baahan oo u naxariiso caruurta, dadka waaweyn iyo dumarkaba. Muslimiinta wixii dhibaato haysto wax kala qabo adiguna dhibaatad ka ilaali.

Leave a Reply