Dhaqaalaha Shiinaha oo Sidii La Filayay si ka Fiican u Kobcay

0
403

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa sare u kacay 6.9% qaybtii hore ee sanadkan 2017ka, sida ay muujinayso warbixinta rasmiga ah ee ay dawladdu soo saartay.

Kobacan dhaqaale oo la barbardhigayo saddexdii bilood ee u horeeyay sanadkii hore ayaa xoogaa ka sareeya sidii ay saadaaliyeen dhaqaaleyanno badan.

Dawladda oo dhaqaale u hurtay kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dalabka guryaha cusub oo sare u kacay ayaa gacan ka gaystay in uu sare u kaco dhaqaalaha wadanka labaad ee ugu xoogbadan adduunka.

Bishii hore ayuu Shiinuhu hoos u dhigay kobaca dhaqaalaha ee uu sanadkan hiigsanayo isaga oo ka dhigay 6.5% halkii uu sanadkii hore ee 2016kii ka ahaa 6.7%.

Waaxda qaran ee qiimaynta dhaqaalaha Shiinaha ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in dadaaladii dhamaadkii sanadkii hore la sameeyay iyo kuwa lagu billaabay sanadkan ay tiirar adag u yihiin kobaca dhaqaale ee sanadka oo dhan la hiigsanayo.

Macluumaad kale ayaa isna tilmaamaya in isticmaalka guduhu ee tafaariiqdu uu sare u kacay 10.9% bishii Feebaraayo marka la barbar dhigo sanadkii hore.

Leave a Reply