Dr. Cali Yuusuf oo ka Hadlay Kulan uu la Yeeshay Wefti ka Socday Markaynka

0
456

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku xgeenka labaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay kulan uu xarunta baarlamaanka kula yeeshay wefti ka socday aqalka odayaasha  Maraykanka, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda iyo nuxurka qodobaddii ay ka wada hadleen.

Dr. Cali Yuusuf waxa uu sheegay in weftigan ka socda dalka Maraykanka uu faahfaahin dheeraad ah ka siiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan xaaladda abaareed ee dalka ka taagan, arrimaha doorashooyinka iyo nabadgelyada, waxaanu tilmaamay in ay ku qanceen sababaha dib u dhigay doorashada madaxtooyada Somaliland oo la xidhiidha xaalada abaareed.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay Weftigan ballaadhan ee nooga yimi dalka Maraykanka, waxaa soo dirsaday oo ay wakiil ka yihiin aqalka odayaasha ee Maraykanka, dhawr iyo toban dal oo Afrikaan ah ayay soo mareen oo ay ku jiraan wadamo aynu jaar nahay,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Wakiilladu.

 

Dr. Cali waxa uu faahfaahin ka bixiyay nuxurka qoddobadii ay ka wadahadleen isaga iyo weftigaasi,waxaanu yidhi “Weftigani waxay doonayaan xaalka Somaliland sida uu yahay in ay ogaadaan, xaaladda abaaraha in ay wax ka ogaadaan iyo doorashooyinka halka aynu ka taaganahay iyo halka aynu marayno, waxyaabahaas oo dhanna faahfaahin baanu ka siinay.”

“Weftigani waxyaabaha ay xiisaynayeen waxaa ka mid ah doorashooyinka, abaaraha iyo ammaanka, waanay ku qanceen sababaha aynu doorashooyinka dib ugu dhignay in ay yihiin abaaraha, waanay ku qanceen, waxaanu u sheegnay oo kale dhaqaalaheennu in uu ku baxo arrimaha ammaanka, sababtaa awgeedna aanay Somaliland ka jirin argagixiso iyo budhcad badeed,” ayuu yidhi Cali Yuusuf Axmed.

 

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah xubin ka tirsan guddida qaran ee ictiraaf-raadinta Somaliland oo kulankaasi ku wehelinaysay guddoome ku xigeenka Baarlamaanka ayaa iyaduna dhinaceeda faahfaahin ka bixisay ujeedada weftigan iyo hay’adddaha dawladda ee ay la kulmeen waxaanay tidhi “Weftigan waxa ay kulankoodi ugu horreeyay ka bilaabeen wasaaradda arrimaha dibada oo ah albaabka laga soo galo dalka, waxa ku xigay wasaaradda qorshaynta, Caafimaadka, Deegaanka, iyo waxbarashada, ururada bulshada ayay la kulmi doonaan, sababta aanu ugu yeedhnayna waa kaalaya nala arka dalka Somaliland iyo sida uu yahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply