Facebook oo Dib u Eegaya Shaqadiisa

0
458

Shirkadda Face book ayaa bilawday in ay dib u eegto sida ay ula macaamisho waxyaabaha rabshadaha la xidhiidha ee la soo galiyo Facebook.

Ku dhawaaqitaankan ayaa yimid ka dib markii Axaddii Facebook-ga lagu baahiyay muuqaal qof la dilayay, isla markaasna uu ku sii jiray in kabadan labo sacaadood.

Masuul shirkadda u hadlay ayaa sheegay “in ay ogyihiin in ay u baahan yihiin in ay arrintaas wax ka qabtaan.”

Booliiska ayaa sheegay in ay heleen meydka ninkii ku eedeysnaa dilka  ee soo dhigay face book. Ninkaasi ayaa la sheegay in markii boolisku eryadey gaadhi uu isagu is toogtay .

Steve Stephens oo 37 jir ah waxa uu  soo bandhigay muuqaal uu ku weerarayo Robert Godwin oo 74 jir ah.

Stephens ayaa markii dambe Facebook toos u soo galay si uu faahfaahin uga bixiyo dilka uu gaystay, isaga oo sheegay in uu 13 ruux dilay, inkastoo booliisku ay sheegeen in aysan ogayn dilal kale oo dhacay.

Shirkadda Facebook ayaa dhaleecayn kala kulantay wakhtiga uu muuqaalkaasi ku sii jiray hawada.

Justin Osofsky oo ah madaxweyne ku xigeenka Facebook ayaa sheegay in ay dib u eegayaan qaabka soo gudbinta cabashada, si ay dadku u awoodaan in ay sida ugu dakhsaha badan shirkadda ugu wargaliyaan muuqaalada iyo waxyaabaha kale een shuruucda Facebook waafaq sanayn.

Wuxuu sheegay in muuqaalka koowaad uusan qofna cabasho ka soo gudbinin, Muuqaalka labaad ee rasaastu ay ka muuqatayna ay cabasho ka soo gaadhay markii uu khadka ku jiray 1:45 daqiiqo.

Midka saddexaadna ay cabashadu soo gaadhay markii uu dhamaaday muuqaalkii uu ninku sida tooska ah u baahiyay ee uu ku sheeganayay dilka.

 

 

Leave a Reply