Ingiriiska oo Ballanqaaday Inay Saami Caddaalad ah Somaliland ka Heli Doonto Gargaarka ay ku Bixiyeen Gurmadka Abaaraha

0
388

Londond(Dawan)- Xukuumadda Ingiriiska, ayaa ballanqaaday inay xaqiijin doonto sidii jamhuuriyadda Somaliland uga heli lahayd saamigeeda taakulaynta abaaraha ay bixiyeen.

 

Ms. Cordela Nelson, oo ah  Sarkaal xidhiidhka bulshada u qaabilsan Waaxda Horumarinta Caalamiga, ayaa weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Dawan, weydiiyay inay caddeeyaan saamiga Somaliland ka helayso gagaarkaas, waxaanay sheegtay inay xaqiijin doonaan sidii Somaliland u heli lahayd qaybteeda.

 

“Sidaad la socotid, Ingiriisku kaalin hore ayuu kaga jiraa ka jawaabida abaaraha ka jira Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaan wada shaqeyn leenahay hay’adaha QM, sida WFP iyo UNICEF iyo kuwa caalamiga ah,”ayay tidhi Ms. Nelson, waxaanay intaas ku ladhay;  “qeybinta gargaarkayaga wuxuu ku salaysan yahay baahida loo qabo, in la hubiyo in qof walba helo saami caddaalad ah oo ay  ku jirto Somaliland.”

 

Jawaabta xukuumadda Ingiriiska ayaa ku soo beegmaya xilli maalmahii la soo dhaafay xildhibaan Stephan Doughty, oo laga soo doorto magaalada Cardiff, kana mid ah xildhibaannada sida wayn  u taageera qaddiyada madaxbannaanida jamhuuriyadda Somaliland uu u gudbiyey dawladda Ingiriiska cabasho xukuumadda Somaliland ka qabto helitaan la’aanta saamigooda qaadhaanka Ingiriisku bixiyo, sida ay u sheegtay Wakiilka Somaliland  u qaabilsan dalka Ingiriiska,  Ayaan Maxamuud Cashuur.

 

Dhinaca kale, xidhiidhka Somalialnd iyo UK, ayaa u muuqda inuu soo xoogaysanayo muddadii ka dambeeyay, marka la eego casuumadaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali, lagu martiqaaday inay khudbado ka jeediyaan machadka daraasaadka ee Africa Research Institute ee London, taasoo wax badan ku kordhin doona fahamka bulshada Ingiriiska iyo beesha Caalamka ee horumarka iyo waxqabshiga shacabka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply