WADDANI oo Mar Kale Bilaabay Olole ay ku Sumcad Dilayaan Ciidammada Booliska

0
369

Hargaysa (Dawan)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si qaawan u weeraray Ciidammada Booliska Somaliland  ee u taagan adkaynta iyo sugidda amniga dalka, kuna hanjabay in ay dacwad ka dhan ah ciidammada booliska u gudbin doonaan hay’adaha ka taageera dhinaca tababarrada.

Keyse Cali Geeddi oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Waddani ayaa xajiimeeyay ciidammada booliska, waxaanu ku eedeeyay in aanay dhex u ahayn axsaabta qaranka, taas oo ah mid aanay waxba ka jirin, oo ay ku doonayaan in ay iska horkeenaan dadweynaha iyo ciidammada amaanka ee naftood hurayaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan ilaalinta xasiloonida dalka.

Keyse Cali oo la hadlay qaar ka mid ah saxaafadda, ayaa nashaxadeeyay ciidammada amaanka, wuxuu ku tiraabay; “Booliskii sharcigii ayay ku tunteen, madaxdii booliskuna waa ka baxeen sharciyadii, ciidanka booliska waa la inoo tababaraa, siiba RRU-da, waana in adduunku lacagta ka jaro, waxaana imanaysa in la baabiiyo ciidammada booliska ee inoo dhisan, mar haddii aad xidheen nin ka tirsan xisbiga Waddani, Maxkamadihiina waa la  ragaadiyay. jananka ciidammada booliska waxa uu yidhi waa maxay waxa aad ka hadlaysaan iyo maxkamaduhu, anigu waxa aan ogahay oo madaxda boolisku diideen in ay fuliyaan xukunkii maxkamadaha ka yimid, waxaanu booliska u sheegaynaa wadankan waxa aad ku wadaan in uu qas galo oo uu burburo, halkii aad dhex u ahaan lahaydeen saddexda xisbi xaalad abuur ayaad wadaan, waad ka baxdeen nabadgelyadii la idiin diray.”

 

Maaha markii u horraysay ee masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani dacwad ka dhan ah ciidammada booliska u gudbiyaan hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqeynta leeyihiin, waxaanay ugu talogaleen inay ku sumcad dilaan karaamada iyo anshaxa ciidammada amaanka, taasi oo muujinaysa masuuliyad darrada siyaasadeed ee xisbigaas u tartamaya hoggaaminta dalka.

 

Murrashaxa madaxweynaha  ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sanad ka hor sheegay inuu dacwado ka dhan ah ciidammada booliska u gudbiyay dawladda Ingiriiska, taasi oo ah ayaan darro inteeda leeg oo aan loo baahnayn.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply