Shaqaalaha Madaarka Hargaysa oo Deeq Raashin ah Gaadhsiiyey Buuhoodle

0
439

Hargeysa (Dawan) Shaqaalaha ka hawlgala garoonka diyaaradaha ‘’Egal Interanational Airport’’ ee magaalada caasimada ah ee Hargaysa ayaa markii u horreysay gaadhsiiyey shacabka ku dhaqan magaalada buuhoodle deeq raashin ah.

Deeqdan oo ahayd mid ay si u gaar ah shaqaalaha ka hawlgala gegida duulimaadka Hargaysa isaga soo ururiyeen si tabaruca ah ayaa waxa ay ugu talogaleen dadka ku dhaqan gobolka Buhodle.

Deeqdan waxa gaadhsiiyay deegaanka Buuhoodle  xubno ka mid ah shaqaalaha oo uu hogaaminayey xisaabiyaha guud ee madaarka Olol Yaasiin Axmed iyo xubno weheliya oo ah hawlwadeenada garoonka.

 

Xisaabiyaha Guud ee madaarka Egal interanational, Olol Yaasiin Axmed oo ka hadlay madashii ay gudida abaaraha ee Buhodle kaga guddoomayeen deeqda raashinka ah, ayaa faahfaahiyey deeqda cadadkeeda iyo sida ay ku timid waxaanu yidhi, ‘’Aniga oo ku hadlaya magaca shaqaalaha madaarka Hargaysa ee ‘’Egal International airport’’ iyo maamulkiisa, waxaannu aniga iyo xubnaha shaqaalaha madaarka ah ee igu weheliya safarkayagan ku wareejinaynaa deeq raashin ah oo dhan 150 kiish oo  isugu jira sonkor, daqiiq ,iyo bariis, waxa kale oo weheliya 17 Kartoon oo saliid ah, iyo 12 Kartoon oo timir ah,’’

Olol Yaasiin  ayaa gudida abaaraha iyo waxgaradkii kale ee ku sugnaa goobtii uu ku wareejinayey deeqda u sheegay inay deeqdani tahay mid ka soo go’day mushaharka shaqaalaha iyo maamulka madaarka waxaanu yidhi, ‘’Deeqdani waa mid ka timid shaqaalaha madaarka ‘’Egal Enternational airport’’ iyadoo uu shaqaalaha madaarka iyo maamulkiisu ka dareencelinayaan duruufaha ay la timid abaarta baahsani, inkasta oo lala qabo abbaarta dalkeena badidiisa, hadana gobolka Buhodle iyo nawaaxigiisu waxa u sii dheer xanuunka shuban biyoodka oo in badani ay ku naf waayeen, in badanina u jiifto.

“Iyadoo uu shaqaalaha madaarka iyo maamulkiisu ka dareencelinayaan, kana damqanayaan dhibka iyo duruufaha ay la tacaalayaan dadka ku dhaqan deegaanka gobolka Buhodle iyo xaruntiisa degmoba ayay la qaybsadeen intii awoodoodu ahayd waana mid ay waajib iyo mahadnaqba leeyihiin shaqaalaha madaarku, runtiina waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa maamulaha madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil isaga iyo shaqaale kale oo aan ka mid ahay oo loo soocay guddida abaaraha kuwaa oo shaqayn doona mudada dalkeena abaarta iyo xanuunadu ka jiraan, idinkana si la mid ah ayaanu idiinka rajeynaynaa dareen ahaan, waxaanuna deeqda cadadkaa ah ku wareejinaynaa gudoomiyaha gurmadka abaaraha ee buhodle caaqil c/laahi xasan qanbi,’’ ayuu yidhi Olol Yaasiin.

Dhinaca kale waxaa isaguna kelmadiisa ku darsaday C/risaaq C/laahi Cali Kamiin oo ka mid  ah hawlwadeenada madaarka Hargaysa safarkana qayb ka ahaa waxaanu yidhi ‘’Aniga oo ka mid ah hawlwadeenada madaarka safarkana ku weheliyey masuulka olol yaasiin waxaa mahad ilaahay noo ah ka midho dhalinta dadaalkayaga shaqaale ahaan ee aanu sida masuulku sheegay aanu la qaybsanayno walaalahayaga shacabka buuhoodle oo aanu intii awoodayada ahayd dhamaystiray mar hadii aanu soo gaadhsiinay buhodle, gudidii gurmadka abaarahana aanu maanta ku wareejinay, waxaana halkan uga mahadcelinayaa maamulka madaarka iyo shaqaalihiisaba sida damqashada leh ee ay isula qaateen, anaguna haddaanu nahay shaqaalaha madaarka waa mid naga go’an inaanu isu xilqaano intii awoodayadu tahay dadkayaga anaga oo aan kala jeclayn ee ay noo siman yihiin, laakiin aanu eegayno hadba baahidu siday ugu kala haboon tahay’,’ ayuu yidhi.

 

Caaqil C/laahi Xasan Qanbi oo ah gudoomiyaha gudida abaaraha guddoonka raashinka ka dib, isaga oo ka hadlaya wuxuu yidhi ‘’ waxaanu mahadnaq aan miisaan lahayn u celinaynaa shaqaalaha madaarka ee hadda ay nagala joogaan masuulka iyo xubnaha kale ee la socda, waana mid aanu ku diirsanay xilqaankooda ay halkan ka caddeeyeen inay ka soo jareen mushaharaadkoodii waxaanuna leenahay ilaahay wax roon ha idiin geliyo halka aad ka soo saarteen, waxaanuna sida warbaahintu tebin doonto halkan ka caddeynaynaa inay na soo gaadhsiiyeen deeqdaa ay shaqaalaha madaarku kaga qayb qaateen daryeelista dadkan tabaaleysan ee gobolkan waanuna idinka guddonay si mahadnaq iyo ducoba,” ayuu yidhi, guddoomiyaha guddida gurmadka abbaaraha ee gobolka Buuhodle.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply