Netanyahu oo Diiday in uu la Kulmo Wasiir Jermal ah

0
386

Ra’iisalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday kulan uu la yeelan lahaa wasiirka arrimaha dibadda Jermalka oo booqasho ku jooga Israa’iil.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa loo sheegay in uu baaqday kulankii uu ra’iisalwasaaraha la lahaa wax yar uun ka hor wakhtigii ay ballansanaayeen.

Arrintani waxay salka ku haysaa muran ka dhashay qorshahiisa oo ay ka mid ahayd in uu la kulmo qolyaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo garabka bidix u janjeedha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jermalka Sigmar Gabriel ayaa diiday in uu baajiyo kulan uu la lahaa koox xuquuqda aadanaha u doodda oo lagu magacaabo Breaking the Silence oo milatariga Israa’iil ku eedeeyay in ay dad Falastiiniyiin ah u gaysteen tacaddiyo aadanaha ka dhan ah.

Gabriel ayaa mar hore sheegay in wax lagu fikiri karo aysan ahayn in dawladda Israa’iil ay isku dayi doonto in ay ka hor istaagto dadka dhaliila.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Israa’iil Tzipi Hotovely ayaa arrintan ku tilmaamay dagaal ka dhan ah dadka hadallada qadafka ah u gaysta Israa’iil ee haddana caalamka gaadhsiiya.

Leave a Reply