Turkiga oo Fuliyey Duqeymo ka Dhan ah Kurdyiinta

0
405

Ciidamada Turkiga ayaa shalay  fuliyey duqeymo ka dhan ah mucaaradka Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Bari ee Suuriya.

Bayaan ka soo baxay milatariga Turkiga ayaa lagu sheegay in duqeymaha looga dan lahaa in looga hortago in mucaaradka ay hub, rasaas iyo waxyaabaha qarxa ka soo gudbiyaan xuduudda, soona geliyaan dalka Turkiga.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa ka digay in mucaaradka kooxda PKK iyo kooxda YPG ee Kurdish-ka Siiriya ay meelo ku yaalla xuduudda u adeegsadaan gabbaad ay weerar uga soo qaadaan Turkiga.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha Siiriya ee fadhigeedu yahay Britain ayaa sheegtay in duqeyntii shalay  lagu dilay 18 ka tirsan dagaalyahanada kooxda YPG.

Kooxda PKK ayaa tan iyo sanadii 1984 dagaal kula jirta dowladda Turkiga, ayada oo dooneysa in gobolka Kurdish-ka ee Turkiga uu helo xuquuq dheeri ah. Dagaaladaas ayaa waxaa ku dhintay 450,000 oo qof.

Leave a Reply