Siday U Maamulaan Waddamada Horumaray Hanaankooda Kalluumaysi

0
454

Siideynta kalluunka:

Xasuusnow in kalluunka la qabto ee la siidaayo ay tahay in uu noolaado.

Gacan ku qabashada kalluunka la qabto ee la siideynayo ee aan loo baahnayn oo dhan sidaa awgeed waa sharci-darro.

Tan waxa ka mid ah dib-u dhacyada sababta u ah sawir-qaadidda iyo miisaamidda.

Ula dhaqan kalluunka si taxaddar leh:

Yaree waqtiga kalluunka uu hawada qaadanayo.

Haddii ay suurtagal tahay, bixi jillaabka ku jira biyaha.

Iska ilaali ciyaarta dheer ee aan loo baahnayn

Haku qabanin kalluunka gacmo qalalan.

Iska ilaali qabashada aan loo baahnayn ee kalluunka la mamnuucay waxaadna joojisaa kalluumaysiga oo beddel goobta aad joogto haddii aad hal goob ka qabato kalluun badan oo kuwa la mamnuucay ah.

Kormeerka kalluumaysiga:

Kantaroolka iyo kormeeridda kalluumaysiga waxaa sameeya dhawr maamulo.

Guddiga Maamulka Degmada waxaa uu kormeerayaa kalluumaysiga isaga oo adeegsanay tiro saraakiil kalluumaysi oo ay magacaabaan, kuwaasoo si gaar ah u kantaroolka kalluumaysiga xeebta ee madadaalada.

Ciidamada ilaalada xeebtu waxay xoogga inta badan saaraan ganacsiga kalluumaysiga badda, iyada oo Hay’adda ee Maareynta Biyaha iyo Baddu ay fuliso maamulka iyo kontaroolka imaanshaha xeebaha doomaha ka ganacsiga kalluumaysiga.

Ciidanka Booliska Baddu waxay leeyihiin doorka dhawridda sharciga iyo inay wax ka qabtaan fal-dembiyeedka laga shakiyo.

Jebinta xeerarka kalluumaysiga:

Jebinta xeerarka kalluumaysiga waxaa lala macaamilaa iyada oo loo marayo xeerilaalinta guud waxaana ka dhalan kara ganaax ama xabsi.

Qalabka kalluumaysiga ayaa la qaban karaa oo lala wareegi karaa.

Haddii aad aragto wax khilaafaya xeerarka dhaqangalka ah, la xidhiidh mid ka

mid ah maamulada hoos ku xusan.

Waxaan rajeynaynaa in galkaan uu waxtar u lahaa fahankaaga

kalluunka meelaha qabowga ah laga helo iyo sinjiyada la xiriira iyo

sababta ay u jiraan xeerarka kalluumaysiga. Wixii macluumaad

dheeraad ah ee ku saabsan xeerarka kalluumaysiga hadda, u noqo

mareegtooyinka Guddiga Maamulka Degmada ee degmada Västra

Götaland, Hay’adda Sweden ee Maareynta Biyaha iyo Badda ama

Xeerarka kalluumaysiga:

kalluunka meelaha qabowga ah laga helo iyo sinjiyada la xidhiidha Kalluumayisga jinsiyada kalluunka meelaha qabowga ah laga helo waxa hadda lagu maamulaa qalab la oggol yahay, xilliyada la xiro, aaggaga xaddidaadda leh ee la dhawro, cabbirka ugu yar iyo tirooyinka qabashada.

Badda, ku kalluumaysiga qalabka kalluumaysiga gacanta lagu qabto way u banaan tahay qof kasta.

Tan waxa loola jeedaa in dadka meelaha kalluunku ku jiro ku nooli ay xaq u leeyihiin in ay ku kalluumaystaan qalabka kalluumaysiga gacanta lagu qabto.

Qalabka kalluumaysiga gacanta lagu qabto waxaa loola jeedaa ulaha lagu kalluumaysto, callaalka iyo qalab dhaqaaqa oo la mid ah oo ku qallabaysan xadhig iyo ugu badnaan 10 jillaab.

Cabbirka ugu yar ee kalluunka meelaha qabowga ah laga helo ee lagu qabto qalabka kalluumaysiga gacanta waa 30 sm.

Kalluunka kale ee bahda meelaha qabowga ah laga helo, ma jiro cabbirka ugu yar marka lagu kalluumaysanayo qalabka kalluumaysiga gacanta lagu qabto.

Kalluumaysiga kuma jirto xuquuqda dadweynaha, waxaana had iyo jeer lagu saleeyaa fikradda ah in qof uu iska leeyahay xuquuqda kalluumaysiga.

Badda iyo harooyinka kalluumaysigooda:

Kalluumaysiga gacanta lagu qabto waa mid u bannaan qof kasta, inkasta oo ay jiraan xadad iyo mas’uuliyad shaqsi oo cad.

Xeerarka kalluumaysiga waxa loogu talogalay in lagu dhawro kaydka iyo in lagu hubiyo in ay leeyihiin xal waara.

Taas macnaheedu waa in kaydka loo hayo jiillaalka mustaqbalka iyo inay awoodaan in ay ka badbaadaan kalluumaysiga la oggol yahay.

Waxa jira tiro mabaadii’ waaweyn oo lagu darey xeerarka kalluumaysiga.

Gaar ahaan sinjiyada dabar go’aya iyo ama kaydka xaasaasiga ah waxaa lagu

maamulaa aagga xaddidaadda leh iyo aaggag manuuc ah.

Xilliyada la xidho waxa loogu talogalay in la ilaaliyo kalluunka marka ay gaar ahaan xasaasi yihiin.

Baaxadda ugu yar ayaa la adeegsadaa oo ka sarreeya wax kasta in loo oggolaado kalluunka in uu tarmo ka hor

Leave a Reply