Xukunno Deldalaad ah oo lagu Fuliyay Rag Kufsi iyo Dil ka Gaystay Maraykanka

0
421

Gobolka Arkansas ee dalka Maraykanka ayaa labo maxbuus xukunno dil ah ku fuliyay ka dib markii ay maxkamadda sare ee dalka Maraykanku diiday racfaan ay daqiiqaddii u dambaysay qaateen.

Waa markii u horaysay ee isku maalin gudaheed lagu daldalo labo ruux muddo 17 sano ah.

Jack Jones and Marcel Williams ayaa labadoodaba lagu helay in ay kufsi iyo dil gaysteen 1990yadii

Gobolka Arkansas ayaa markii hore qorshaynayay in uu siddeed ruux dil ku fuliyo 11 maalmood gudahood, sababtoo ah irbadaha dilka loo adeegsado ayaa dhacaya dhamaadka bishan Abriil.

Xeerilaaliyaha Jones ayaa sheegay in laga yaabo in uu dhibaato kala kulmo irbadda dadka lagu dilo oo uu jidhkiisu u adkaysto in kabadan wakhtigii loogu talagalay.

Qareennada Williams ayaa iyagana ku baaqay in laga yaabo in ay adkaato in xididdadiisa la helo maadaama oo macmiilkoodu 180kg yahay.

Williams ayaa dil lagu xukumay 1997dii ka dib markii lagu helay in uu afduub, kufsi iyo dil u gaystay Stacy Errickson sidoo kalena afduub iyo kufsi u gaystay labo dumar ah oo kale.

Ledell Lee ayaa Khamiistii noqday qofkii u horeeyay ee gobolka Arkansas lagu daldalo tan iyo 2005tii.

Leave a Reply