Dawlada dalkaasi Chine ayaa samaysatay mid kamid ah maraakiibteeda dagaalka oo noqonaaya kii ugu dambeeyey, iyada oo lagu sameeyey isla wadankaasi gudihiisa, waxaanu noqday markabkii ugu horeeyey ee wadanka Chine gudihiisa lagu sameeyo.
Markabkan oo aan ilaa hadda magac loo bixin ayaa ah mid qaadi doona diyaaraddaha dagaalka ee kala duwan , iyada oo loo sameeyey qaabka maraakiibta waaweyn ee dalka Maraykanku u samaysan yihiin.
Waxa sidoo kale la saari karaa markabkan gantaalada kala duwan , iyada oo uu lee yahay meelo hoose oo lagu qarin karo laguna xafidi karo gantaalada isaga gudba baddaha.
Markabkan ayaa ah kii labaad ee ay yeeshaan ciidamada wadanka Chine , isaga oo kaga duwan kii ka horeeyey xadiga uu qaadi karo ee diyaaraddo ah iyo sidoo kalena hubka kala duwan eek u rakiban ama saaran labadaba.
Waxaanu noqday sida lagu sheegay warbixin lagu baahiyey bogga ciidamada Chine ee Internet ka oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan markabkii ugu horeeyey ee ay ciidamada wadankaasi ku samaystaan wadankaasi Chine dhexdiisa.