Mid Kamida Aktaradda Ugu Caansan Dalka India oo Geeriyooday

0
417

Sida lagu baahiyey wargeyska New Delhi Times waxa dalkaasi India ku geeryooday aktarkii caanka ahaa ee  Vinod Khana , kaas oo caan ku ahaa jilida aflaamta Hindiga ah, waxaanay ninkan Somalidu u taqaanay Mastaana.

Aktarkan oo da’ahaan jiray 70 sanno ayaa waxa geeridiisa xaqiijiyey qoyskiisa,  iyada oo uudhowaanahanba u il darnaa xanuunka Kansar-ka oo kaga dhacay kaadi mareenka , isaga oo yaaley cisbitaal ku yaala magaalada mombai ee wadankaasi India.

Ninkan ayaa metelay filimo aad u badan , kuwaas oo gaadhaaya tiro ahaa ilaa 150 film, sida lagu sheegay jariiradda New Delhi Times oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan, waxaanay filimadaasi kamid ahaayeen filimada sida weyn looga jecel yahay wadanka India.

Waxaay aflaantaasi isugu jireen kuwo dagaal ah iyo kuwo  jacayl ah intaba, waxaana aad loo xusuustaa  aflaamta lagu magcaabo Qurbani, C.I.D ,Mere Apne, Muqaddar Ka Sikandar, Dayavan iyo kuwo kale oo badan.

Waxa aaska aktarkan kazoo qayb galay aktaro kale oo dalkaasi caan ka ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen , Abhishek Bachchan, Rishi Kapoor, Subhash Ghai, Randeep Hooda, Jackie Shroff, Arjun Rampal Amitabh Bachchn  iyo aktaro kale oo caan ah.

Leave a Reply