Robots Dhiiga La Raacinayo oo la Dagaalamaya Xanuunnada oo La soo Saarayo

0
371

Saynisyahanadda shirkadda Google ayaa wada samaynta qalab robots ah , kuwaas oo loogu talo galay in lagaga shaqeeyo dhanka caafimaadka bani’aadmiga, iyada oo robots kaasi laga dhigaayo kuwo aad u yar yar.

Khabiirka dhinaca Technology-ga u qaabilsan  shirkadda Google oo lagu magcaabo Ray Kurzwell ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku samaynayaan qalab Robots ah oo aad u yar yar , kaas oo la doonaayo inuu mustaqbalka qayb weyn ka qaato caafimaadka bani’aadmiga, iyada oo la raacinaayo dhiiga qofka.

Khabiirkan oo u waramaayey jariiradda Daily Mail  oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay doonayaan in Robots kani la isticmaalo sannadka 2030-ka, iyada oo dhiiga  la raacinaayo, si loo ogaado waxyaalaha caafimaadka waxyeela ee jidhkeena iyo dhiigeena ku jira, waxaana hadhow si fudud loogu xidhayaa dawada lagula dagaalamaayo Germs-ka iyo Bacteria-da xanuunkaasi sababta u ah.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey Ray inay jiraan saddex weji oo qalabkan loo isticmaalaayo, kaas oo ka kowaad yahay in  qalabkan iyo mashiinadda ay ku shaqaynayaan laysku xidho, sidoo kalena ka labaad ayaa ah in  lagu xidho maskaxda qofka , halka ka saddexaad yahay in jidhka iyo dhiiga la raaciyo.

Qalabkan ayaa hadda la bilaabay samayntiisa , iyada oo tijaabadiisana la filaayo inay bilaabanto sannadka 2029 ka, halka hawlgelintiisana la bilaabi doono sannadka 2030-ka.

Leave a Reply