Hamiga Awrkiisa Ayaa Ku Weynaa!

0
396

Nin munaafaq ah ayaa soo maray Rasuulka (scw) iyagoo asxaabtu balan kula gelaya geed hoostiisa, waxaana uu yidhi aniga awrkayga oo aan helo ayaan ka jecelahay balankiina.” Rasuulka (scw) aya yidhi dhamantiin waa la idiin denbi dhaafay ninkaasi mooyee” Waayo isagu wuxu hamigiisu ahaa mid aduunayda keliya ah oo aan dan ka lahayn Aakhiro iyo jannada.

Aduunyada shaqadeed, derajadeeda, dahabkeeda, lacagteeda, caruurteeda, sharafteeda, caanimadeeda, fooqyadeeda waxba  kama ah Aakhiro”. Allah (sw) ayaa ku sifeeyay Munaafiqiinta inay ku hamiyaan naftood keliya , calooshooda rabitaankooda aduunyo mana laha hami ka fog intaasi.

“Ka yeel hamigaaga mid keliya oo ah la kulanka Allah (sw) , Aakhiro iyo is hortaaga Rabbi”. Wixii intaasi ka danbeeya way dhib yar tahay.

Leave a Reply