Faransiiska oo Doortay Madaxweyne Cusub

0
337

Codbixiyayaasha Faransiiska ayaa  doortay madaxweyne cusub kadib markii ay shalay u dareereen wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinimada dalkaasi.

Sida ay sheegayso natiijada hordhaca ahi waxa loo doortay madaxweyne Emmanuel Macron  oo ka adkaaday musharaxii xag jirka ahaa Marine Le Pen, waxaanay  labaduba ballanqaadeen in siyaabo kala duwan ay u wajihi doonaan dhibaatooyinka haysta Faransiiska.

Mr Macron ayaa kaga adkaatay haweenaydii la tartamaysay Marine Le Pen ilaa  65% , halka ay iyana ka heshay  35%.

 

 

Doorashadan ayaa ah mid si weyn loogu tartami doono, afkaarta labada musharraxna ay isweyn isu diidan yihiin.

Maalin un ka hor doorashada ayaa Emmanuel Macron waxaa laga jabsaday macluumaadka kombiyuutaradiisa, ayadoo xog badan oo ku saabsan ololihiisana baraha internet-ka lagu baahiyay.

Madaxweynaha xilka ka degaya, Francois Hollande, ayaa sheegay in ay filayeen weerarro noocaasi oo kale, maadaama ay hore uga soo  ka dhaceen meelo kale.

Waxa uu noqonayaa isaga oo  39 jir ah, madaxweynihii ugu da’ yaraa ee dalkaasi soo mara.

Waxa kale oo uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee ka soo baxa xisbi aan aheyn labada xisbi eee waaweyn ee badanaa ku guuleysan jirey madaxweynaha tan iyo intii la dhisay jamhuuriyadda casriga ah eee Faransiiska sannadkii  1958.

 

Leave a Reply