Halista Caafimaad Ee Ka Imaan Karta Mobile-ka Oo Aad Jeebka Galiso!

0
345

Diraasad laga soo saaray wadanka ingiriiska  ayaa lagu ogaaday in raga mobilekooda jeebka markaste galiya uu qalabkani waxyeello soo gaadhsiiyo tarankiisa.

Culimadan ka socda jaamacada Exter ee Bretain ayaa sheegay fallaadhaha kasoo baxa mobileka ee oo loogu yeedho afka qalaad ElectroMagnatic ay waxyeello soo gaadhsiiyaan biyaha taranka ee raga, waa sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee bariga dhexe.

Digtoorad ka socota jaamacadan Exter oo hoggaaminaysay diraasadan ayaa sheegtay in halistani ay ku koobantahay raga oo kaliya.

Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tidhi”Waxa suurto gal ah in uu warkani muhiimad gaar ah u leeyahay raga ay marka horeba tarankoodu taagta daran yahay, balse waxaa kale oo lagama maarmaan ah in baadhitaanka lasii ballaadhiyo si loo xaddido dhibaatooyinka caafimaad ee uu arinkani ku leeyahay dadka dagan dhulka”.

Leave a Reply