Ilaalada Xeebaha Talyaaniga oo soo Badbaadiyey lix Kun oo Tahriibe

0
349

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in sideed iyo afartankii saacadood ee la soo dhaafay ay ka soo badbaadiyeen badda Mediterranean-ka qiyaastii lix kun oo qof oo doonayey in ay tahriib ku gaadhaan Yurub.

Saraakiishu waxay sheegeen in Sabtidii iyo Jimcihii ay fuliyeen hawlo gurmad deg deg ah oo lagu samato bixinayo dadkaa tahriibka ah.

Dadkaa tahriibka ah badankoodu waxay dalka Liibiya kaga soo safreen doonyo macmal ah.

Dadka tahriibka ah ee la soo badbaadiyey qaarkood ayaaba soo gaadhay xeebaha Talyaaniga halka boqolaal kalena markab ay leedahay hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ka soo dhex qaaday badda.

Markabkaa sida dadka la soo samata bixiyey ayaa la filayay in uu shalay  ku soo xidho dekadda Reggio Calabria.

Leave a Reply