Kulanka Madaxweyne Buhaari ee Hablihii Boko Xaraam soo Daysay

0
326

Laba iyo siddeedtan ka mid ah hablihii ay hore u afduubteen oo ay haatan soo daayeen kooxda Boko xaraam  ayaa la kulmay madaxweynaha Neyjeeriya Muhammadu Buhari.

Af-hayeenka madaxweynaha Neyjeeriya, Femi Adesina, ayaa bartiisa Twiterka ku qoray in 82 hablood oo kamid ah gabdhihi Boko Haram ay afuubatay 2014 ay haatan gaadheen caasimada dalkaasi ee Abuja.

Waxa ku qaabilay garoonka diyaaradaha agaasimaha xafiiska madaxweynaha Al-Haji Aba Kyari, oo ka wakiil ahaa madaxweyne Muhammadu Buhari.

Hablahan la soo daayey waxa lagu badeshay xubno ka tirsan kooxda Boko Xaraam oo dawladdu haysay.

Waa markii labaad ee xukuumada Neyjeeriya ay ku guuleysato soo furashada qaar ka mid ah gabdhihii laga af-duubtay Chibok.

21 ka mid ah gabadhahaa laga af-duubtay Chibok ayaa lasoo daayay bishii Oktobar ee sanadkii hore.

Wararka la xidhiidha sii deynta 82 kan gabdhood ayaa inta badan dadka Nigeria aad u soo dhaweeyeen, iyada oo talaabadana ay amaantay kooxda u ololaysa soo daynta hablaha Chibok ee la baxday “noo soo celiya gabdhahayagii”.

Warbixin ay soo saareen koooxdu ayaa lagu sheegay in ay sugayaan shaacinta magacyada rasmiga ah ee 82 gabdhood si loo hubiyo in ay yihiin magacyadii hore loo diinwaan geliyey ee ahaa gabdhaha af-duubteen ee ay hore u shaacisay gudiga madaxweynahu u saaray arinta gabdhihii laga af-duubtay Chibok.

Dhanka kale, hay’adda laan qeyrta cas ayaa sii baahisay sawirada qaar k mid ah 82 gabdhood ee la soo daayey.

 

Leave a Reply