Madaxweyne Rooxani oo Guul Labaad Gaadhay

0
370

Madaxweynaha dib loo doortay ee Iiran  Hassan Rooxani ayaa gaadhay tallaabo kale oo guul ah kadib markii ay is beddeldoonku ku guuleysteen doorashooyinkii muhiimka ahaa ee golaha caasimada Tehran.

Kooxda isbeddel doonka ah oo taageerta Rouhani ayaa ku guuleystay dhammaan 21- ka kursi ee caasimada, kuwaasi oo bannaanka u saarey muxaafidiintii la loolamayay oo awooda golahaasi soo heystay 14 sano.

Mr Rouhani ayaa ku guuleystay jimcihii doorashadii madaxtinimada wareeggii ugu horeeyayba.

Waxa uu u ballanqaaday cod bixiyeyaasha  dhexdhexaadnimo iyo Iiraan hore u socota, waxaanu dhaliilay muxaafidiinta oo buuxiyay garsoorkii.

Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ayaa lala qabtay oo barbar socdey codeyntii doorashada madaxweynaha, waxaana lagu dhawaaqay axaddii shalay.

 

Leave a Reply