Madaxweynaha Filibiin oo ka Fakiraya Xaalad Degdeg ah

0
324

Madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa sheegay in laga yaabo in dalka oo dhan lagu baahiyo xaaladda degdega ah ee ka jirta jasiiradda Mindanao, iyadoo uu milatariga dalkaasi wali dagaal kula jiro Malayshiyo Muslimiin ah.

Duterte ayaa sheegay in kooxahan kacdoonka wada ay qoorta ka jareen nin boolis ah oo ku sugnaa jaziiraddaasi.

Ugu yaraan 3 kale oo ka tirsanaa xoogagga ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in la dilay

Salaasadii ayuu soo rogay xaalad degdeg ah oo muddo 60 maalmood ka jiri doonta jaziiradda Mindanao halkaas oo falaago Muslim ah ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga goosan lahayeen dalka intiisa kale.

Qaar ka mid ah falaagadan ayaa taageero u muujiyey kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Kumannaan kun oo qof ayaa naftooda kala baxsanayey magaalada Marawi ka dib markii halkaasi ay cagta mariyeen dablay.

”Kama gaabsan doono in aan sameeyo wax kasta oo aan ku badbaadin karo kuna ilaalin karo jiritaanka qaranka Filipin” sidaas waxaa yidhi madaxweyne Duterte. Waxa uu raaciyey ” waxa laga yaabaa xitaa in aan xaalad degdeg ah ku soo rogo dalka oo dhan si aan u difaaco dadka.”

Madaxweyne Duterte waxa uu ka soo jeedaa Jaziiradaasi, wuxuuna sheegay in madaxa booliiska ee jaziiradaasi ay joojiyeen dablay kadibna ay halkaasi ku jarjareen jidhkiisa kadib markii ay qoorta ka jareen.

Madaxweyne Duterte ayaa si degdeg ah u soo afjaray booqasho rasmi ah oo uu ku joogay Ruushka, si uu wax uga qabto rabsahadaha ka soo cusboonaaday jaziiradaasi.

 

Leave a Reply