Qiso: Qofna Ha u Sheegin Inaan ku Badbaadiyay!

0
462

Xajaaj Bin Yuusuf wuxu ahaa amiirkii oo aadna ugu adag bulshadiisa, maalin isaga ku dabaalanaya badda oo kacsan ayay biyihii ka awood bateen Xajaaj oo ku haftay, awoodna u waayay  inuu dabaasho.

Waxase arkayay nin  Muslmiinta ka mid ah oo xeeliga badda taagan, wuxu ahaa nin wax badan ka og xadgudubkiisa laakiin ma garanayn inuu Xajaaj yahay horena uma arag, waana uu ka badbaadiyay baddii uu ku haftay.  Markii uu debedda u soo saaray ee uu nastay ayuu xajaaj ku yidhi “ Nin wanaagsan ayaad tahaye, anigu waxaan ahay Xajaaj Binu Yusuf markaa iga codso wixii aad doonto si aan abaalkaaga ugu gudo”.

Ninkii ayaa aad u naxay waayo wuxu og yahay sida ay bulshadu u neceb tahay Xajaaj, waxaana uu isku qoomameeyay badbaadintiisa. Markii danbe ayuu ku yidhi “ Waxaan ka codsanayaa hal arrin keliya ee fuli “.
Xajaaj ayaa yidhi waa hagaag ii sheeg . Waxaana ninkii ku yidhi : “Allah ayaan kugu dhaarshee ee cidna ha u sheegin in aan anigu ku badbaadiyey, taas ayaa aniga abaal-gud igu filan”.

Leave a Reply