Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Marc Kasowitz u magacaabay in uu wakiil uga noqdo baadhitaannada lagu hayo in Ruushku uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho doorashadii madaxweynenimada Maraykanka iyo in kooxdii ololaha Trump ay wax calaaqaad ah yeesheen Ruushka, sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanku.
Trump ayaa muddo toban sano ka badan isticmaali jiray adeegyada garyaqaankan reer New York.
Todobaadkii hore ayaa Robert Mueller oo horay u soo hogaamiyay hay’adda dambibaadhista Maraykanka ee FBI loo magacaabay in uu noqdo dacwad ooge madax bannaan oo hogaamiya baadhitaannada ay waddo waaxda caddaaladda ee Maraykanku.
Madaxweyne Trump ayaa diiday in wax xidhiidh ah uu dhexmaray ololihiisii doorashada iyo dawladda Ruushka.
Si kastaba ha ahaatee hay’addaha sirdoonka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho doorashada madaxtinimada Maraykanka si uu Trump ugu guulaysto.
Kasowitz iyo Aqalka Cad ee looga arrimyo dalka Maraykanka midkoodna bulshada lama wadaagin warkan ku saabsan magacaabiddan.