Baahinda Maskaxda Ee Hurdada!

0
354

Daraasad ay dhawaan sameeyeen khubaro ka socotay  jaamacadda lagu magcaabo  Hokkaido University ee dalkaasi  Japan ayaa lagu sheegay in shan waxyaalood ay saameeyaan maskaxda kuna keenaan dhaawac xoogan.

Taasoo  keeni karta inuu qofku noqdo mid waalan ama ilawshiiyaha iyo faham la’aantu ku badato.

Waxaanay kooxdan khubarada ahi soo saareen liis ay kusoo qoreen waxyaalahaasi ay sheegeen inay dhaawaca soo gaadhsiiyaan maskaxda dadka, waxaana kaalinta koowaad galay Fuuq Baxa ama biyo la’aanta oo ay sheegeen inay maskaxda wax badan u dhinto.

Waxaa  isaguna kaalinta labaad galay Cabitaanka Sigaarka oo ay sheegeen inuu madoobeeyo  qaybo badan oo jidhka kamid ah xidhiidh toosana la leh maskaxda.

Kaalinta saddexaad ayay geliyeen  hurdo la’aanta oo ay sheegeen in suntii maskaxda laga maydhi lahaa waqtiga la hurdo inay noqonayaan kuwo ku kaydsama taasina ay keento dhaawaca ku yimaada maskaxda,iyada oo ay kula taliyeen dadka inay seexdaan hurdo ku filan.

 

Kaalmaha kale-na waxa iyaguna galay daroogooyinka kale ee la isticmaalo iyo khamriga oo noqday kuwo maskaxda dhibaato soo gaadhsiiya, waxaanay khubaradani sheegeen inay sameeyaan neerfaha maskaxda taga oo ay ku keenaan inay dhintaan, taasina ay keento inay waxyeelo soo gaadho maskaxda oo ay dhaawacanto.

Leave a Reply