Cajiib: Dadku Isku Wada Faham Ma aha!

0
438

Wiil dhalinyaro ah Hooyaddii iyo walaashii ayaa doonayay inay Suuqa tagaan, markaasi ayay wiilkood u sheegeen inuu guriga u sii ilaaliyo intay soo noqonayaan, isna waa ogolaaday.

Markii ay tegeen ayuu iska seexday, waxaana gurigii soo galay tuug oo gurtay alaabtii taallay dhamaanteed. Hooyadii markii ay timid  gurigii oo furan iyo alaabtii oo maqan waxa u dheeraa oo ay la yaabtay wiilka hurda.

Markii ay toosisay  ee ay waydiisay alaabta laxaday wuxuu  ku jawaabay “Aniga guriga sii ilaali ayaad tidhi laakiin alaabta imaad odhan ilaali, guriguna waan ka dhisan”.

Nin kale oo dhalinyaro ah ayay hooyadii ku tidhi “albaabka guriga sii ilaali intaan soo noqonaya”.  Markii ay tagtay ayaa aroos loogu yeedhay wiilkii aana gurigooda aad uga fogayn.

Markiiba si fudud ayuu u aqbalay waxaana uu ka saaray albaabka guriga si uu u qaato oo ug ayaalo intuu arooska joogo, laakiin isagoo sii socda ayay hooyadii ka hor timi oo soo noqtay” hooyadii ayaa ku tidhi: “Maxaa ku helay ee aad alaababka u sidaa, isaguna wuxu ugu jawaabay soo digii igu yidhi sii ilaali, arooskan oo la iiga yeedhayna waan tegya” . Isagu wuxuu  u qaatay alaabka hooyadina guriga ayay ujeeday.

Weligaa dadka maangaabka ah iyo kuwan aan fahamka luqadeed lahayn si fiican ula soco oo fahamsii hadba waxaad ka rabto.

Leave a Reply