Dawlada Iran Oo Isu Diyaarinaysa Inay Hawada U Dirto Daanyeerkii Saddexaad

0
342

Dalkaasi Iran ee Islaamiga ah ayaa markii saddexaad isu diyaarinaaya inuu hawada udiro daanyeer,sida uu sheegay xoghayaha u qaabilsan dalkaasi dhinaca hawada ,gaar ahaana hay’ada lagu magcaabo Iran Space Agency (ISA),waxaanu sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran diyaarinayso qorshe ay ku dirayso  daanyeer ay saari doonto dayax  gacmeed dhowaan kici doona.

Waxaanu sheegay in la dhameeyey qorshihii lagu diraayey daanyeerkaasi ,iyada oo la diri doono waqtiyadda soo socda ama bilaha soo socda.

Waxay ahayd dhawr sanno ka hor markii ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran dirtay danyeerkii ugu horeeyey ee ay hawada sare udirto ,kaas oo ahaa mid tijaabo ah,waxa ku xigi doonaan uu noqon doono in dad halkaasi loo diro dhowaan haddii lagu guulaysto in la diro danyeerkaasi iyo waxyaalaha laga doonaayo intaba,sida uu sheegay masuulkaasi.

Jamhuuriyadda ayaa diyaarinaysa inay dirto noolahaasi oo ah kii labaad ,kaas oo ah qorshe dhanka technology-ga ah oo ay tartan kula gelayso dawladaha reer galbeedka ,kuwaas oo uu khilaaf dhinaca samaysiga hubka Nuclearka ahi ka dhex taagnaa.

“Iran way diri doontaa danyeerkii labaad isaga oo sida dareere shidaal ah” sidaas waxa yidhi Fazeli oo ah ninka hawada u qaabilsan hay’adaasi ISA ee dalkaasi Iran laga lee yahay.

Dalkaasi ayaa dhowaanahan ku hawlanaa sidii ay u diri lahaayeen dayax gacmeedyo ay dalkooda ku sameeyeen,kuwaas oo hore u diray kuwo kale,iminkana wada saddex dayax gacmeed oo kici doona dhowaan, manay sheegin xiliga ay dirayaan.

Leave a Reply