Hindiya oo Dhisatay Buundadii ugu Dheerayd

0
338

Dawladda Hindiya ayaa xadhigga ka jartay buundo uu dhererkeedu gaadhayo 9.15 kiiloo mitir oo dul maraysa wabiga Lohit waana middii ugu dheerayd ee ay waligeed samaysato taas oo gobolka lagu muransan yahay ee Arunachal Pradesh ku xidhaysa gobolka Assam ee ku yaalla Waqooyi Bari.

Dawladda Shiinaha ayaa sheegata in gobolka Arunachal Pradesh ay iyadu leedahay waxayna raacisaa “koonfurta Tibet”.

Shiinaha ayaa dhawaan si wayn uga soo horjeedsaday go’aanka ay Hindiya ugu ogolaatay in uu gobolkaas booqdo hogaamiyaha ruuxiga ah ee Tibet, Dalai Lama sidoo kalana waxay ka cawdeen dhismeyaal milatari oo ay aagaas ka sameeyeen.

Laakiin Hindiya ayaa difaacday xaqa ay u leedahay in ay sidaas samayso.

“Maadaama oo Shiinuhu ay maalinba maalinka ka dambeeya soo dhiiranayaan waxaa la joogaa wakhtigii aan xoojin lahayn kaabayaashanada si aan dhulkayaga u difaacano”, ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Hindiya, Khiren Rijiju oo la hadlay saxafiyiinta.

Rijuju oo ka soo jeeda gobolka Arunachal Pradesh ayaa horay u sheegay in gobolkani uu Hindiya ka mid yahay ninkii raba iyo kii aan rabinba.

Buundada Dhola Sadiya dhismaheeda waxaa la bilaabay 2011kii, waxaana lagu dhameeyay wakhtigii loo qabtay.

Leave a Reply