Madaxweyne Trump oo Dhaliilay Gaashaanbuurta NATO

0
376

Madaxweynaa Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhaliilay waddamada ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO, isagoo hogaamiyayaasha dalalkaasi ugu baaqay in ay kordhiyaan kharashaadka ay ku bixiyaan gaashaandhiggooda.

Trump ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dhammaan dalalka NATO ay kharashkaasi gaadhsiiyaan waxa uu ku tilmaamay heerka ugu yar, oo ah boqolkiiba laba wax-soo-saarka guud ee waddan kasta.

Khudbad uu ka jeediyay xarunta NATO ee Brussels, ayaa madaxweyne Trump waxa uu ka cawday in keliya shan ka mid ah dalalka NATO ay kharash gareeyaan misaaniyaddaasi.

Haseyeeshee tiro dalal ah ayaa ku gacan saydhay qiimayntaasi uu sameeyay madaxweynaha Maraykanka.

Trump ayaa sidoo kale ugu baaqay NATO in ay xoogga saarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Kulanka madaxda dalalka ka tirsan NATO, ayaa lagu ansixiyay qorshe uu Maraykanka watay oo ah in la kordhiyo doorka ay gaashaanbuurtaasi ku leedahay dagaalka ka dhanka ah ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

 

Leave a Reply