Mucaaradka Ingiriiska oo Falalka Argagixisada la Xidhiidhiyay Dagaallada

0
312

Hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska Jeremy Corbyn ayaa lagu wadaa in uu sheego in haddii uu xisbigiisu la wareego talada dalka ay yaraan doonto halista soo foodsaarta.

Iyadoo ololaha doorashada uu dib u billowday kaddib weerarkii magaalada Manchester, ayaa hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn wuxuu ka hadli doonaa xidhiidhka ka dhaxeeya dagaallada dibadda iyo argagixisada ka jirta Britain.

Khudbad uu Corbyn jeedin doono ayuu ku xusi doonaa in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uusan shaqeyneynin.

Corbyn ayaa horay uga soo horjeedsaday faragalintii milatari ee UK ay ku samaysay Ciraaq iyo Afghanistan wuxuuna diiday in uu u codeeyo in la duqeeyo Liibiya iyo Suuriya.

Wasiirka ammaanka Ben Wallace ayaa BBC-da u sheegay in hadallada Corbyn ay yihiin kuwo aan habbooneyn oo aan waqtigooda la joogin.

Corbyn ayaa khudbaddiisa jeedin doona xilli xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn dalkaas ay dib u bilaabeen ololahooda, ka dib weerarkii bambaano ee habeennimadii Isniintii ka dhacay magaalada Manchester, kaas oo ay ku dhinteen 22 qof, oo ay carrruur u badnaayeen, waxaana ku dhaawacmay 116.

 

Leave a Reply