Shirka Dalalka G7 oo Isku Raacay ka Hortagga Argagixisada

0
373

Hoggaamiyeyaasha dalalka hoggaanka u haya warshadaha xagga horumarka ee loo yaqaan G7, ayaa isku raacay oo ku heshiiyay tallaabo cusub oo ka dhan ah argagixisada, kadib kulan ay ku yeesheen shalay magaalada Taormina, Sicily.

Haseyeeshee, waxaa jiray farqi lagu kala duwanaa oo ah xagga isbeddelka cimilada oo u dhexeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo inta kale, sidaasna waxa sheegay  ra’iisul wasaaraha shirka martigelinaya ee Talyaaniga Paolo Gentiloni.

Mr Trump  iyo ra’iisul wasaaraha  UK,  Theresa May ayaa xaqiijiyay qorshayaal lagu xoojinayo ganacsiga , waxaana ku jira heshiis ganacsi kadib ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Mr Trump ayaa soo dhaweeyay codeyntii Ingiriisku kaga baxayay Midowga Yurub.

Isaga iyo  Mrs May  waxa ay ka wada qeybgalayeen markii ugu horeysay shirka  G7 , sida oo kale waxa ka qeyb ahaa madaweynahha Faransiiska Emmanuel Macron . iyo  Mr Gentiloni

Dalalka  G7 waxa ay ka kooban yihiin   Kanada, Faransiiska , Jermani, Talyaani, Jabaan, Ingiriiska iyo Maraykanka, halka ay Midowga Yurub ay ku leeyihiin goob joogayaal ka wakiila.

 

Leave a Reply