Shirkadda RDC Aqualines Oo Soo Saartay Diyaarad Bad Iyo Berriba Mari Karta

0
377

Shirkadda lagu magcaabo RDC Aqualines oo laga lee yahay wadankaasi Ruushka, kuna taala magaalada Nizhny Novgorod  ayaa soo saartay diyaarad loo isticmaali karo sida Markabka oo kale , taas oo ay ku magcaabeen Ekeranoplin.

Shirkadda ayaa qorshaysay inay hadda soo saarto diyaaraddaasi oo qaadi karta Qoys laba qof ka kooban, iyada oo sidoo kalena doonaysa inay soo saarto qaybta labaad diyaarad qaadi karta 15 qof , 150 qof iyo ilaa 300 oo qof .

Flotprom oo qoray warbixintan uuna kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in shirkadda ay soo gaadheen dalabyo badan, kuwaas oo kuwooda ugu badani ay ka yimaadeen Estonia, waxaanu intaasi ku daray in ay codsadeen in lasoo gaadhsiiyo diyaaradda qaadaysa ilaa 15 ka rakaabka ah ee shacabka.

Markabkan diyaaraddana ah ayaa jaraaya masaafo dhan ilaa 1,000 km, iyada oo uu sidoo kalena saaran yahay awood dhan 620 horspower, waxa uu dhererkiisu noqonayaa ilaa 16.5 meters , halka balaciisuna noqonaayo ilaa 10 meter, waxa kale oo uu qaadi karaa culays dhan ilaa 2600 oo kilograms, waxa kale oo uu awood u lee yahay inuu qaado 4 tan.

Tusaale ahaan doonta sida diyaaradda u samaysan ee shirkaddu waddo inay soo saarto waxay awoodaa inay ku xidhato dekeda ay doonto, iyada oo dhererkeedu yahay 5 meter, waxay qaadaysaana yahay 1400 km, waxaanay qaadaysaa 15 rakaaba.

Waxa dalabyo kala duwan soo dhiibtay wadamo badan, kuwaas oo ay kamid yihiin wadamada France,Finland, Chine,Iran, Turkey-ga iyo wadamo kale oo kamid ah Koonfur Barri Aasiya wadamada ku yaala.

Shirkaddan RDC Aqualines ayaa hore usoo saartay doon iyo diyaarad isku jirta oo qadi karta hal qof iyo qofka duuliyaha ah oo keliyaata.

 

Leave a Reply