Wadooyin La Dabaynaayo ,Gawaadhida Dabaynaysa Oo La Ikhtiraacay

0
316

Shirkadda taleefanada ee  Qualcomm ayaa ikhtiraacday markii ugu horeysay wadooyin la Dabaynaayo , kuwaas oo iyaguna suurtogelinaaya in ay gawaadhida ku shaqaysa Jaajka inay si fudud uga qaadan karaan Charge ama dab.

Khubarada wada dhismaha wadooyinkan ayaa sheegtay isku deyeyso sidii ay wadooyinkan uga dhigi lahayd  wadooyinkaasi kuwo gawaadhida caadiga ahi ka qaataan jaajka baytariyada, lagana raysto gawaadhida lagu qabto qawaadhida marka beytarigu ka dhaco/

Halka ugu horeysay ee la dhigaayo qalabka wadooyinkan ayaa la dhigayaa wadanka Faransiiska ,iyada oo la dhigaayo qalab gawaadhidaasi jaajar garayn kara oo wadooyin caag ah noqonaaya, kuwaas oo loo qaadanaayo masaafo dhan 100 meter.

Khubarada wadda mashruucan ayaa sheegtay inay isku hagaajinayaan wadooyinkaasi iyo sidoo kalena ishaarooyinka wadooyinkaasi ku xidhan, iyada oo ay khatari ka iman karto marka gaadhigu qaadanaayo dabka iyo bixitaanka ishaarooyinka oo isku dhac gawaadhida ah iyo shilal keeni kara.

Tijaabadii ugu horeysay waxa gawaadhidaasi dab ahaan qaateen ilaa 20 kilowatts, waxaana la filayaa in dabkan inta ugu badan laga bixin doono wadanka Ingiriiska.

Shirkadda Mashruucan wada oo qoraal ku daabacday wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan ayaa sheegay  in aanu roobku waxyeelo u geysan Karin wadooyinkan,iyada oo  wadanka Faransiiska shirkadda laga lee yahay ee French Research Foundation ay hore u siisay shirkadda mashruucan wada qorshaha mashruucan.

 

 

 

Leave a Reply