Weerar Bas oo lagu Dilay 28 Masiixiyiinta Qibdiga ah

0
323

Dablay hubeysan ayaa weerar ku qaaday bas ay saarnaayeen Masiixiyiinta Qibdiga ah oo marayay gobol ku yaalla bartamaha Masar iyagoo halkaa ku dilay 28 qof, 25 kalana ku dhaawacay, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Baska ayaa ku sii jeeday gobolka Minya, oo 220km koonfurta ka xiga Qaahiro markii rasaas ooda looga qaaday.

Masiixiyiinta ayaa u socday inay ku soo cibaadeystaan kaniisad ku taalla gobolkaasi.

Ma jirta koox ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarkaaasi.

Balse kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ayaa dhowr jeer oo hore bartilmaameedsatay Masiixiyiinta Qibdiga ah waxayna wacad ku martay inay sii wadi doonto ugaadhsashadooda.

Labo qarax oo ballaadhan oo ka dhacay kaniisada ku yaalla magaalooyinka Alexandria iyo Tanta bishii April ayaa waxaa ku dhintay 49 qof.

Weerar kale oo isqarxin ah oo lagu qaaday kaniisad kale oo ku taalla caasimadda bishii Desember ayaa waxaa lagu dilay 29 qof halka Masiixiyiintii daganaa magaalada AL Cariisha ee waqooyiga Siinay ay isaga carareen magaaldaasi bishii February ka dib markii weerarro lagu qaaday.

Weeraradaasi ayaa ku khasbay madaxweynaha Masar, Cabdul fataax Al Siisi, inuu dalkaasi ku soo rogo xaalad deg deg ah, wuxuuna ballan qaaday inuu baacsan doono mintidiintaasi oo intooda badan fadhigoodu yahay waqooyiga Siinay.

Masiixiyiinta waa 10% dadweynaha dalkaasi Masar oo ka kooban 92 milyan oo qof.

Waxay ka cabanayaan in dowladda Masar aysan qaadin tallaabooyin ay ku sugeyso ammaankooda.

Leave a Reply