XIKMADAHA

0
898

Nin Xaakiim ah ayaa la waydiiyay Maxaad uga aar-gudan wayday dadka ku xumeeya? Isagoo qoslaya ayuu ku jawaabay “Miyay xikmad tahay in Ey I qaniinay aniguna aan qaniino”.

“Dhawaaqa carabkaagu wuxuu  muujiyaa, sidaad u fikirayso, waxba codkaaga kor haw qaadin laakiin xikmada kelmadaada kor u qaad”.  “Maskaxda ka madhan xikmadda, saaxiibkeed waxay ku kordhisaa carab xumaani ka buuxdo”.

“Ha ku dagmin muuqaalka sare, aamusnaanta xabaalaha ma aha inay dhamaantood jano ku jiraan”.  “Haddii aad la fadhiisato jaahiliinta aamus, haddii aad la fadhiisto culimada aamus, maxaa yeelay kan jaahiliinta  dulqaad ayaa kaaga kordhaya, kan culimada aqoon ayaa kaaga kordhaysa”.

 

Nin xaakiim ah ayaa yidhi “Arrin kastaa  wuxuu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataa.

Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo qiima yaraadad, edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaa”

 

Leave a Reply