Guddida ka soo Kabashada Abaaraha oo Baaq u Diray Shaqaalaha Rayidka ah ee Dalka

0
337

Hargaysa (Dawan)- Guddida ka soo kabashada Abaaraha ayaa baaq u diray shaqaalaha rayidka ah ee dalka ka hawl gala, waxaanay u soo jeediyeen inay dhankooda ka qayb qaataan qaadhaan ururinta loo samaynayo dadkii ay abaaruhu waxyeeleeyeen ee dedaalka loogu jiro sidii ay uga soo kaban lahaayeen.

Masuuliyiin ka mid ah Guddida oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dawlada ba,  ugu baaqay inay dhankooda ka qayb qaataan qaadhaanka, waxaana masuuliyiintaasi ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Adaan Haybe, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, Wasiir Dawlaha Ganacsiga Maxamuud Warsame Jaamac  iyo Mustafe Axmed Xasan  oo ah Madaxa isku xidhka Barnaamijyada ee ururka NAGAAD.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ugu horrayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa  yidhi “Baaqayagu waxa uu ku aadan yahay oo kaliya shaqaalaha rayidka ah, kuwaasi oo aanu leenahay ka qayb qaata qaadhaankaa loo ururinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxa kale oo aanu halkan baaq uga diraynaa shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah ee Somaliland ka hawl gala oo aanu leenahay horana kaalin mug leh ayaad uga qaadateen, maantana waxa la idiinka baahan yahay inaad ka qayb qaadataan.”

Wasiiru dawlaha ganacsiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ka codsanaynaa inay shaqaalaha rayidka ah ka qayb qaataan oo ay ka faa’iidaystaan waana sadaqatul jaariya”.

Mustafe Axmed Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta ururka Nagaad, isla markaana xubin ka ah guddida ka soo kabashada abaaraha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha guddida iyo waxyaabaha ay ku hanweyn yihiin inay wax ka qabtaan, waxaanu yidhi “Guddidu waxa ay diyaarisay qorshe aad u ballaadhan oo la doonayo inaynu ku taakulayso dadkii abaaruhu saameeyeen, sidoo kalena aynu kaga gaashaamano inay abaar dambe ay sidan oo kale inoo halakayso, qorshahaasi waxa uu ka kooban yahay Lix qaybood, waxaanu Maxsuulka koowaad yahay in dib loo celiyo labaatan kun oo qoys oo ku barokacay abaartii, Maxsuulka labaadna waa in Toban kun oo qoys la xooleeyo, toban kun oo kalena lacag ayey qaadanayaan, Maxsuulka sadexaad waxa uu yahay in 25 ceel oo dhaadheer iyo labaatan dhaam oo waaweyn laga sameeyo meelaha baahiyaha biyuhu ku badan yihiin, maxsuulka afraad waxa weeye in laba iyo toban seere oo waaweyn la xidho si xooluhu ay ugu baxsadaan wakhtiga jiilaalka, maxsuulka lixaad waxa weeye in sideetan kun oo geed laga beero wadanka, waanu bilaabmay waanu socdaa”.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Cabdillaahi Obsiiye  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Farriintayada halkan aanu maanta ka diraynaa waxa weeye fariin ku wajahan shaqaalaha rayidka ah waxaananu ku boorinaynaa inay ka qayb qaataan sadaqa jaariyadaasi oo ay qaadhaanka ka qayb qaataan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply