Kalsoonidii Lagu Qabay Xafidaada Adeega ZAAD oo Faraha ka sii Baxaya

0
305

Hargeysa (Dawan)- Adeegga Lacagta Telefoonka  lagu xawilo ee ZAAD ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa markii labaad waxa soo if-baxday dhaqdhaqaaqyo lagu  dhacayo bulshada isticmaasha adeegaas oo koox  tuugo ahi ay ku dhacayaan dadweynaha reer Somaliland.

Shirkadda Telesom, ayaa qirtay tuugadan cusub, waxaanay farriin u soo direen macaamiisheeda oo ay ku booriyeen  inay ka taxadaraan arrintan. Fariinta TELESOM, waxay u qornayd sidan;  “Macmiil, fariimaha  lacagta ZAAD waxay  ku soo dhacaan  898 iyo 222 oo kala ah  Doolarka  iyo Shilling-ka. Haddaba, fadlan  iska jir fariimaha laga soo diro lambar caadi ah oo loo ekaysiiyay lacagta ZAAD ah, hana celin ilaa aad  hubiso hadhaagaaga.”

Muddo 33 maalmood ah ayaa u hadhay wakhtigii dawladdu u qabatay shirkadaha SOMTEL iyo TELESOM, inay ku fuliyaan qoddobkii ka khuseeyay go’aamadii xukuumadda ee la xidhiidhay suulinta sicir-bararka. Waxaana lagu amray inay  seerfarkooda adeegyada ZAAD iyo E-dahab  ka saaraan wixii ka hooseeya 100 Doolar. Ka dib markii loo arkay inay door weyn ku leeyihiin sicir-bararka iyo sarif-bararka is-barkan ee dalka ka taagan iyo waliba qiima dhaca  la daadegay  lacagta dalka.

Tan iyo markii xukuumaddu u qabatay shirkadahan inay go’aankii madaxweynaha ku fuliyaan ugu dambayn 1-da Bisha July ee fooda innagu soo haysa, dad badan oo isticmaali jiray Zaad iyo E-dahab ayaa bilaabay  inay lacagtii ay ku kaydsadeen ee adkayd ay kala baxaan adeegyadan la xaddidayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply