Madaxweynaha Somaliland oo Dawladda Itoobiya ku Bogaadiyay 26 guurada ka soo Wareegtay Xiligii ay iska Dul-qaadeen Heeryadii Mingiste

0
334

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed  Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  dhambaal hambalyo ah oo uu soo saaray, waxa uu ku bogaadiyay dawladda iyo shacabka Itoobiya sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga dalka Itoobiya ka guulaysteen rajiimkii dhergiga ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dawladda Somaliland ay cilaaqaad saaxiibtinimo, ganacsi  iyo deris wanaag ka dhaxeeyo Itoobiya, waxaannu tilmaamay  in muddo rubuc qarni ah labada dal wada xusayeen taariikh mataanno ah.

Sidaasna waxa madaxweyne Siilaanyo ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu shalay soo saaray Agaasimaha saxaafadda Madaxtooyadda ahna ku simaha afhayeenka, Naasir Yuusuf Daahir, waxaannu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo), isaga oo ku hadlaya afka shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu  dhambaal hambalyo ah u dirayaa dalka aynu walaalaha iyo jaarkaba nahay ee Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaas, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeynaya sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga dalka Itoobiya ka guulaysteen rajiimkii dhergiga ahaa ee xiligaasi xukumaayey dalka Itoobiya oo ku beegan maanta (shalay)  oo ay taariikhdu tahay 28/05/2017, marka taariikhda Itoobiya loo noqdana ku beegan xuska 20 guurada loo yaqaan ginbot 2009.

 

Xuska ginbot oo ah maalin taariikhda Itoobiya qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbiga iyo dawladda Itoobiya inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, barwaaqo, iyo Itoobiya oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.

 

Marka laga yimaado xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga nabadgelyada, ganacsiga,  iyo deris wanaaga ee Itoobiya innaga dhexeeya waxa hubaal ah oo aynu wadaagnaa taariikh ma guurto ah oo ah in aynu isku wakhti ama rubuc qarniba aynu wada xusaynay taariikh mataanno ah oo shacbiga labada dal ay kaga hoos baxeen gacantii keli talisnimada ee militeriga ahayd ee Mingiste Hailemariam iyo Maxamed Siyaad Barre oo ay hadda ka soo wareegtay 26 sanno markii xukunka laga tuuray,”ayaa lagu yidhi  warsaxaafadeedka oo uu soo saaray  Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada Somaliland, ahna ku simaha afhayeenka Naasir Yuusuf Daahir.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply