Warqad Dhiirigelinaysa Horumarka Waxbarashada oo Afar Suldaan u Direen Madaxweynaha

0
280

Hargeysa (Dawan ) – Sallaadiinta  beellaha Arab ayaa warqad  furan oo ay Madaxweynaha Somaliland u direen ayay kaga hadleen horumarka waxbarasahda Somaliland ay ku dhaqaaqday  intii ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka dalka haysay iyo sida ay u tahay mid muuqata oo wax ku ool ah.

Waxaa kale o salaadiintu ay warqadooda kaga hadleen codsi ay ka dalbadeen Madaxweynaha Somaliland in uu wax ka qabto baahiyo dhaqaale oo soo food saaray dugsiyo waxbarasho.

 

Warqadda xambaarsan farriin isugu jirta hambalyo, bogaadinta  iyo codsigaba oo ay soo wada saareen Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi iyo Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi kuwaasi oo ku socodsiiyey madaxweyne Siilaanyo waxaa ay sidoo kale uga mahad naqeen horumarka waxbarasho eeay xukuumaddiisu ka hirgelisay dalka muddadii lixda sanno ahayd ee uu hoggaankadalka hayay, kuwaasoo ay xuseen in markii ugu horreysay ay ardayda Somaliland  fursad u yeesheen  in ay geedi socodka tacliintooda kala socdaan manhaj waxbarasho oo qaranku leeyahay isla markaana xukuumaddu iskeed u daabacday halka waagii hore ay hay’ado ajanabi ahi gacanta ku hayeen daabacaadiisa.

 Madaxdhaqameedku waxay warqadda ay madaxweynaha u direen si gaar ah ugu  tilmaameen in horumarka waxbarasho ee dalka ay xukuumaddiisu ka hirgelisay ay kamid yihiin dugsiyo sare oo u soo kordhay deegaannada degmooyinka Axmed-dhagax iyo 31-ka May ee magaalada Hargeysa kuwaasoo ka hor hoggaamintiisa lahaa hal dugsi sare oo kaliya, balse immika ay saddex yihiin, waxaanay hirgelinta dugsiyaddaas sare ay hoosta ka xarriiqeen in ay door shariif ah ka qaateen wasiirradii u kala dembeeyey wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere).

Nuxurka Warqadda Lagu Socodsiiyey Madaxweynaha ee ay salaadiinta beellaha Arab Saxeexeen oo nuqul ka mid ah warbaahintu heshay,ayaa  u dhignaa sidan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply