Xoghayaha D/Hoose ee Hargeysa Tababar u soo Xidhay Xubno ka mid ah Shaqaalihiisa

0
312

Hargeysa (Dawan)- Xoghayaha Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa, Cali Xasan Cawaale, ayaa tababar u soo xidhay qaar ka mida shaqaalaha Dawladda Hoose ee Caasimadda, tababarkaasi oo ku saabsanaa qiimaha ay leedahay shaqada iyo adeega ay ummada u hayaan.

Munaasibad loogu talogalay tababarka u dhammaaday shaqaalaha ayaa lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, waxaana ugu horrayn ka hadlay Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee caasimada Hargeysa,  Khadar Yuusuf Cali, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeeddada loo qabtay tababarkan  waxaanu yidhi “Tababarkani waxa uu bilaabmay 15-kii May ee bishan isaga oo si rasmiya loo xidhayo 28-ka bishan tababarkana wax badan ayay shaqaaluhu ka faa’ideen, in la baro qiimaha ay shaqadu leedahay, waxa kale oo aanu wadnay olole balaadhan oo kor loogu qaadayo faya dhawrka caasimada.”

 

Xoghayaha  Dawladda Hoose Hargeysa Cali Xasan Cawaale  ayaa ka hadlay qiimaha uu tababarkani u leeyahay shaqaalaha dawlada hoose ee Hargeysa isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Idinka oo leydin dhisaa waxa ay ka mid tahay shaqadii oo dhisantay , haddii qofkii shaqada hayay uu dhisan yahay shaqadiina waa ay dhisan tahay, hadiise qofkii aanu dhisneyn shaqadii ma dhismeyso, waxaanay madaxdii naga horeeyay ay xooga saari jireen dakhli  la soo saaro, anagu waxaanu xooga saaraynaa in dadka dawlada hoose ka shaqeynaya ay gartaan adeega ay bulshada u hayaan, oo waxa ay qabanayaana hagaajiyaan, haddiise waxa la soo-saarayo cid hagaajisa aan loo heyn oo wax badan inta aynu soo saarno cid hagaajisa amase nidaamkeedi garanaysa aan la heyn waxa ay noqoneysaa foosto gun la’ nin dhaaminaya.”

Cali Xasan isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Kaalintan imika aad ku jirtaan marka aynu ka hadleyno waa meesha ugu mihiimsan adeega aynu u heyno bulshadeena  waxaa ku jira caafimaadkii, in baadhitaan lagu sameeyo waxa ay umadu cuneyso, maaha sharaabka oo kaliya, maaha waxa la cuno oo kaliya, waa naftii, hadii nadaafad la waayana xanuuno iyo cuduro ayaa dilaacaya, idinka waxa leydinka doonayaa maadaama aad tababarkii dhameyseen in shaqada aad umada u heysaan aad xafidaan, marka xiga in umada aad uga faa’ideysaan shaqada aad qaranka u heysaan, waxaanan idinka codsanayaa in aqoontaa aad barateen aad  shaqadana ku an facdaan, xaga arrimaha bulshada waxyaabaha aanu aadka u tabeyno waxaa ka mida dhinaca iskuulada, nadaafada iskuulada iyo waliba saldhigyada, kana hawl gashaan wax ka qabashadeeda”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply