Hargeysa(Dawan)-Xilligii Abaarta waxa la qiray in kaalmada iyo caawimada bulshada Somaliland dhexdeeda ay kaalinta kowaad ka ahayd gurmadkii loo gurmanayey dadkii Abaaraha ku waxyeeloobay, sidaana waxa sheegtay Hay’adaha Caalamiga ah.
Gabadh ka socotay hay’ada Care International oo Somaliland booqatay badhtamihii bishan May, ayaa sheegtay in ay aad ula dhacday iscaawinta bulshada dhexdeeda.
Gabadhan oo lagu magacaabo Suezen Madick waxay Somaliland uu tilmaantay “bulsho iscaawisa”.
Suezen Madick, oo u waramaysay Idaacada BBC-da Barnaamijkeeda Focus On Africa, waxay sheegtay in gargaarku aad u xadidnaa, baahida jirtaana aad u badnayd, laakiin dhinaca Gurmadka waxa qaybta ugu weyn ka ahayd kaalmada ay bulshadu dhexdeeda isu dirayso, sidoo kale kaalmada bulshadu waxay aad uga badnayd Gargaarkii dibadda uga yimmi.
Zuezen Madick oo intii ay joogtay Somaliland, waxay booqtay Goobo dhinaca biyaha oo ay Hay’adda Care waxka qabatay, waxay intaa ku dartay in baahida jirtay ay ugu badnayd, dhinaca biyaha, Raashinka iyo ururintii dadkii xooluhu ka baxeen. Suezen waxay qirtay in dhinac kastana waxa laga arkaayey gacanta bulshada.
Goob biyaha laga cabo oo ay hirgelisay hay’adda Care oo ay booqatay Suezen, waxay aragtay in dadku uga soo aroorayeen meel wakhti badan loo soo socda. Waxay soo qaadatay gabadh lagu magacaabo Amina oo sheegtay in ay shan saacadood u soo socotay si ay biyo uga hesho goobtan.
Mas’uul kale oo isna ka socday Hay’adda Unicef oo isaguna booqday Somaliland bishan May, ayaa isna qiray in kaalmada bulshada dhexdeedu si weyn u muuqatay. Mas’uulkan oo isna waraysi siiyey Barnaamijka focus on Africa waxa uu booqday meelo badan oo ka mid ah dalkii Somaliya la odhan jiray, waxaana uu ku dambeeyey Somaliland, wuxuuna qiray in iscaawinta iyo iskaalmaynta bulshada dhexdeeda ay gacanta sare lahayd.
Iyada oo beesha caalamku tilmaantay qaybtii bulshadu ka qaadatay gurmadkii abaaraha, ayaa wakhtigana waxa la wada qorshe dib loogu dejinayo dadkii ku xoolo belay abaarihii. 18kii bishan may oo ku beegnayd xilligii ay Somaliland ka go’day Somaliya, waxa lagu dhawaaqay in la ururiyo toban milyan oo dollar oo xoolo loogu iibiyo dadka xoolo ka baxeen, waxaana lacagtaa laga ururinayaa bulshada, taas oo muujinaysa in bulshadu isku tashanayso.
Dawannews Hargeysa office