Ciidanka Qaranka oo Burburiyay Tuulo Cusub oo Laga Yagleelayey Gobolka Sool

0
356

Yeyle (Dawan):  Ciidammada millatariga   Somaliland iyo Guddoomiyaha Gobolka Sool,  Cabdi Kheyre Dirir,  ayaa shalay ka sameeyay hawl gal ay ku burburiyeen un-kida tuulo cusub, oo la doonayay in laga hirgeliyo  deegaanka Yeyle oo dhanka galbeed ka xiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

 

Ciidanka ayaa gabi ahaanba waxay aaseen baraagihii goobtaasi laga qoday, iyagoo sidoo kale-na burburiyay guryo meeshaasi laga dhisay oo la doonayay in laga sameeyo tuulo cusub.

 

Talaabadani ayaa la xidhiidha wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Somaliland ayaa amar lagu mamnuucayo ka soo saartay in aan wax  degaamaysi ah laga samayn karin goboladda bariga gaar ahaana dhula xoolo daaqeenka ah.

 

Cabdi Kheyre Dirir,  ayaa   tilmaamay  in xukuumada Somaliland iyo wasaarada arrimaha gudaha  ay amar ka soo saareen in aan degaamaysi hor leh laga samayn Karin.

 

Ciidamada milateriga   ayaa la wareegay degaanka Yeyle oo u dhexeeya shan magaalo oo maalinimadii shalay ciidan beeleedyo hubeysani ay ka sameeyeen degaamayn cusub.

 

“Halkan aanu joognaa   waxay u dhaxaysaa shan magaalo oo ah, Dhilaalo, Ceegaag, Carro-weyn iyo Yeyle,  dad degaanka ka mid ah   waxay rabaan inay degaameeyaan, oo ay magaalo cusub ka sameeyaan.

 

Waanad  aragtaan oo ciidanka qaranka ayaa aasay, oo saaka (shalay) ka soo jarmaaday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, berkadii kale-na  wala soo aasay. Meelo  kale oo la soo calaamadiyay-na waanu soo aragnay” ayuu yidhi gudoomiye Cabdi Kheyre Dirir.

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in tuuladaani aan loo baahnayn in laga sameeyo dhul daaqsimaad ay degan yihiin dadka xoolo dhaqato ah. Waxaanu yidhi   “Waxaanu u sheegaynaa cidii halkan qoday ama  ku fikirtay inay degaamayso afartaa magaalo dhexdooda in aanay  suura-gal ahayn in aan la yeeli Karin.

 

Halkani waa meesha xooluhu daaqaan amase shantaa magaalo xoolaha lagu dhaqaa ay ku soo foofaan, suurtagal ma noqon karto in degaamayn cusub la sameeyo siyaasada xukuumada ama  ta arrimaha gudaha u yaala”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply