Madaxweyne ku Xigeenka oo la Kulmay Shirkad Shiine ah oo Maalgashi u Yimid Dalka

0
300

Hargaysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa kala hadlay   masuuliyiin ka socday shirkad Shiine ah sidii ay dalka maalgashi ugu samayn lahaayeen, gaar ahaan sidii ay qashinka koronto uga dhalin lahaayeen.

Weftigan ka socday shirkadda Shiinaha ah ee uu madaxweyne ku xigeenku  kulan kula yeeshay xafiiskiisa ayaa ku wado qorshe ay doonayaan in ay Somaliland ka fuliyaan daraasado la xidhiidha biyaha iyo korontadda.

 

Masuuliyiintaasi oo ka socotay shirkad  lagu magacaabo Rich way Greenery  oo ka shaqaysa dhalinta korontada iyo biyaha ayaa sheegay inay danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland.

Waxaanay madaxweyne ku xigeenka   kala  hadleen  daraasado ku aadan maalgashigaasi oo ay wadaan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada wershadaha Somaliland  Yuusuf Cismaan Garas,  oo  madaxweyne ku xigeenka kulankaasi ku wehelinayay ayaa warbaahinta faahfaahin uga bixiyay kulankaasi iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

 

 

Waxaanu yidhi  “Maanta  (shalay)  waxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu la kulmay wefti aanu keenay oo ka socday China gaar ahaan shirkadaha dalkaasi ee gaarka loo leeyahay,  shirkadaas oo la yidhaahdo Rich way Greenery.

Waana  shirkad dunida maalgashi fiican ku samaysay dalal fara badan oo dunida ah ayay mashaariic ku leeyihiin, weftiga waxaa hogaaminaayay guddomiyaha shirkadaasi Oliver Liu.  Waana  shirkado isu tegay oo haysta maalgalin gaadhaysa 50 Malyuun oo dollar.

Haddii  ay ku qancaan daraasada ay ka wadaan Somaliland oo laba meelood ah biyaha iyo Laydhka, waxay aad u danaynayaan inay laydh ka dhaliyaan khashinka iyo in ay biyaha laydh ka dhaliyaan taas oo ay bilaabeenba, dhuxul dhagaxda ayay iyada-na darasad ka wadaan”.

 

Waxaanu intaasi ku daray “Madaxwayne ku-xigeenka waxay weftigani kala hadleen sidii ay maalgashigoodu damaanad u heli lahaa.  Madaxwayne  ku-xigeenkuna waxa uu sheegay in dalka ay joogaan shirkado caalami ah oo ay DP WORLD iyo Coca-Cola ka mid yihiin maal-gashigooduna uu damaanad heli doono” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wershadaha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply