Shir Lagaga Arrin Sanayey Xannuunada Dilaaca Xili Roobaadka oo ka Qabsoomay Madaxtooyada

0
289

Hargeysa (Dawan)- Shir Lagaga arrin sanayey Xanuunadda ka dilaacay Roobabka iyo abaaraha oo ay isugu yimaadeen wasaaradaha Caafimaadka, Madaxtooyada, Maaliyada, Khayraadka Biyaha, warfaafinta iyo taliyaha ciidanka booliska  ayaa shalay ka qabsoomay xarunta qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana kulankaasi lagaga hadlayay sidii looga hortegi lahaa loona kaantarooli lahaa xanuunadda ka dilaaca abaaraha iyo wakhti roobaadka.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen bahda wasaarada caafimaadka oo uu hoggaaminayey wasiir Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye) ayaa iyagu waxay ka war bixiyeen halka ay wax marayaan iyo sida ay xaaladu tahay marka laga hadlo Burco iyo shuban biyoodka, waxaanay soo bandhigeen daraasad muujinaysa halka uu marayo iyo sida looga hortegi karo, iyagoo meesha ka saaray in aanu xanuunku ahayn sida ay warbaahintu wax u qorayso ama dadka ugu soo gudbinayso balse sidan uu ka sahlan yahay gacantana ay ku hayaan sidii looga hortegi lahaa ee aanu ku faafin goobo kale.

Waxa sidoo kale kulankan ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka wasaaradda maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka warfaafinta, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta, Sheekh Khalil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada, Md Cabdillaahi Ibraahim Habane, wasiiru-dawlaha qorshaynta qaranka, Cismaan Xasan Aw Cali, Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Saleebaan Cali Hayste (Ramaax), Agaasimaha guud ee wasaaradda Khayraadka Biyaha, Cabdirisaaq Jaamac Nuur, Agaasimaha Caafimaadka, Saleebaan Jaamac Dirir, Dr Shiine oo isagu ah khabiir ka tirsan wasaaradda Caafimaadka iyo Dr Muuse Xasan oo isagu ah dhakhtar ku xeel dheer xanuunadaas aynu soo sheegnay.

Ugu danbayntiina waxay masuuliyiintaasi u soo jeediyeen shacbiga Somaliland inay dhawraan nadaafada oo ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara xaalad caafimaad darro, haday tahay biyaha iyo nadaafada deegaankaba, dadkana aan la khal-khal gelin ee laga warsugo hay’adaha ku shaqada leh arrimahaasi oo ay joojiyaan dadka faafinaya warar aanay hubin dadkana cabsi gelinaya, haseyeeshe mar walba lagu xidhnaado oo laga warsugo cida ku shaqada leh arrimahaa sida wasaaradda caafimaadka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply