Wasiirka Madaxtooyada oo Sheegay in Xukuumaddu Kalsooni ku Qabto Guddida Abaaraha

0
398

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka markhaati kacayaan in guddigii taakulaynta abaaraha qaranku ay u shaqeeyaan intii awoodeeda ah si daacadnimo ah, duqlaad leh xilkasnimo leh isla markaana uu culays badani ka hor yimid.

Maxamuud Xaashi waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad lagu qabtay qasriga Madaxtooyada oo Guddiga taakulaynta abaaraha qaranku ku soo bandhigaysay xisaab xidhikooda, waxaanu sheegay in sababta loo sameeyay guddidani aanay ahayn kalsooni darro, balse ay ahayd in la mideeyo xooga, maskaxda iyo muruqa bulshada.

Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ujeedada ugu weyn ee munaasibadan loo qabtay waxa ay ahayd guddigii taakulaynta abaaraha qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu magacaabay in ay halkan ku soo bandhigaan xisaab celin iyo tallo bixin. Wixii soo galay xoolaha ummadda ha ka soo galaan ama qaadhaankii ganacsatada ay ka qaadeen ha noqoto, ama wixii raashin mucaawimo inoo yimid ee ay maamuleen inay ka waramaan wixii soo galay iyo wax waliba halkii ay ku baxeen.”

Maxamuud Xaashi waxa uu intaasi ku daray “Bini-aadamku inay xisaabtamaan waa wax qiimo badan ILAAHAY ayaa (SWT) inoo jideeyey oo ina baray inuu dunidan ina keenay, khaliif inooga dhigay inana xisaabi doono, sidoo kale innaguna inaynu xisaabtanaa waa wax wanaagsan, waxa kale oo wanaagsan inaynu wax wanaagsan malayno, dhaqamada xumaaday ayey ka mid tahay inaynu wax xun uu iska malayno oo kii xilka loo dhiibato la tuhmo oo tuug la moodo, oo la yidhaa wax buu cunayaa, dhaqamada xumaaday ee bulsho ahaan aynu u baahan nahay inaynu dib u dhisno ayey ka mid tahay.”

“Kalsoonida iyo is aaminku waa waxyaabaha ay ummaddu ku dhisanto, haday Ummaddu dhexdeeda kalsooni darro ka dhalato, is aaminku ka dhinto midba mid tuhmo, ummadaasi ma horumarto, waxaan shacbiga reer Somaliland leenahay cidii aynu wax u dhiibano waxa waajib ah in la aamino, waxa waajib ah in lagu kalsoonaado, qofka la aaminay ee xilka loo dhiibayna waxa daw ku ah inuu ILAAHAY ka yaabo, waxa loo dhiibayna uu si wacan u maamulo,” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu intaas ku daray “Madaxweynuhu wuxuu guddidan u magacaabay ujeedo gun dheer, xaalad qayri caadi ah ayaa innagu soo korodhay, marka uu hogaamiyaha wanaagsani uu garto in ummaddani u baahan tahay talaabooyin ay kaga samato baxaan duruufaha yimid, abaar weyn ayaa timid, oo aynaan qorshaha ku darsan, oo kayd raashin u lahayn, dhaqankeenii wax beerashadu uu is badalay, waxa uu Madaxweynuhu lagama maarmaan u arkay guddi gun weyn oo balaadhan inuu sameeyo, guddigan ayuu samaayey,  Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waa la doortay, hantida ummadana iyagaa maamula, guddiga waxa loo samaayey kalsooni darro ma ahayn laakiin waxa ay ahayd in xooga, maskaxda, maanka iyo mururqa bulshda qarankan la mideeyo.”

“Waxaanu xukuumad ahaan ka markhaati kacaynaa in guddigii taakulaynta abaaraha qaranku inay u shaqeeyeen intii awoodeeda ahayn si daacadnimo ah, duqlaad leh xilkasnimo leh, culays badan ayaa ka hor yimid, xogogaal ayaanu u nahay, annagu waxaanu nahay rag hawli dishootay oo maalin walba ay waxani haystaan laakiin runtii culimada halkan joogta iyo ganacsatadni waxay nala arkeen culayskii na haystay iyo dhibaatadii na haysatay, iyo mashaakilka bulshadan haysta ayey si waaqici ah u akreen. Waxaanu ku bogaadinaynaa hawshaa siday u guteen waxaanu ku boagaadinayaa siday ugu dulqaateen duruufihii kala duwanaa, waxa kale oo aanu bogaadinayaa dadkii kala duwanaa ee ka qayb qaatay qaaadhaan ururtii la samaayey,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu intaasi ku daray “Culimadu iyo ganacsatadu waxay xogogaal ka noqodeen oo nala ogaadeen in lays tuhmo, oo waxaas la shubayo intooda badani ay been yihiin, waa khibaradaha ay heleen, culimadu hadalkii kuma ay darine, waayo waa la tuhmay, waa la warmeeyey waa ka raaligalinaynaa wixii nabaro ku dhacay, nadabraa gardarada ah, annagu waanu iska jidhifaysanay oo waanu iska dulqaadanaaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply