‘Shuban-biyoodkii Wali Wuu Jiraa Laakiin Waxaanu Dedaal u Galnay in Dhimashadu Yaraato’ Guddoomiye Ramaax

0
303

Burco(Dawan):- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax),ayaa sheegay in gudaha magaalada Burco in uu  wali ka jiro cudurka Shuban-biyoodku isla markaana ay saacad kasta gaadiidka gurmadka deg degga ahi ay soo gurayaan dad uu xannuunku soo ritay.

Waxaakale oo uu intaa ku daray in ay ku dedaaleen in ay bukaanku degdeg u helaan dawayn dhammaystiran isla markaana ay ka hor tagaan in dadku fuuq bax u geeriyoodaan.

“Wali xannuunku wuu jiraa laakiin oo haddadan(xalay) aan kula hadlayo waxaan ku suganahay Cisbitaalka guud ee Burco waxaana la soo gurayaa dadkii shuban-biyoodku uu soo ritay waxaan ku dedaalnay in aanu ka hor agno in qofku uu fuuq bax u dhinto waxaanan hawl galinay gaadiidka  gurmedka deg degga ah oo ay saaran yihiin dhammaan wixii uu bukaanku u baahnaa inta la soo gaadhsiinayo goobaha loo diyaariyay markaa maanta(shalay) waxaa cisbitaalka iyo goobaba hale ee la hawl galiyay soo gaadhay 137 qog waxaana hadda ku  jira Cisbitaalka guud 82 qof oo imika dawayntu u socoto dhimashaduna  maanta(shalay) waa hal qof oo caawa(xalay) geeriyooday ALLENA waxaan uga baryayaa in uu u naxariisto isaga iyo intii hore ee Shuban-biyoodka ku dhimatayba waxaanan guud ahaan tacsi uga dirayaa qoysaskii ay ka bexeen.”

Guddoomiye Ramaax oo ka hadlayay tallaabooyinka kale ee ay qaadeen ayaa yidhi.”Tallaabooyinkii aanu qaadnay dhamaantood waxay ahaayeen kuwo wax tar u leh xakamaynta cudurka waxaanan ka wada hawl galnay dhammaan dhakhaatiirta gobolka oo aanu shirar wada qaadanay waxaana ka mid ah waxyaabaha aanu isla qaadanay ee dhaxal galka ah in aanay dawayn karin goobaha gaarka loo leeyahay ee caafmaadku dadka uu Shuban-biyoodku soo ritay sababtoo ah waxaa jooga oo ku badan dad aan aqoon u lahayn caafimaadka oo qofka shubmaya hadday doonaan kii  matagga siinaya markaa taana waanu isla garanay hawshaasina meel fiican ayay noo maraysaa.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay gobolka meelo kale oo uu ka jiro cudurka Shuban-biyoodku ayaa,yidhi “ meelo kale oo gobolka ah wax yar ayaa lagu arkay laakiin waxaanu  samaynay in degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka oo dhan aanu  ka hawl galinay gaadiidka gurmadka caafimaadka iyo hawl wadeeno caafimaad oo heegan ah waxaana maanta(shalay) ay dhawr qof ugu soo dhacen xanuunka deegaanka Harada waanu sahlan yahay oo gacanta ayaa lagu hayaa.” Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo xalay isagoo ku sugan Cisbitaalka guud ee Burco khadka taleefanka ugu warramay wargayska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply