Guddoomiyaha Gobolka Selal oo ka Hadlay Xildhibaanno Diiday Inay ka Baxaan Saldhigga Saylac

0
358

Hargaysa (Dawan)-   Guddoomiyaha gobolka Selal, Axmed Naasir Maxamed Xaashi  iyo taliyaha qaybta Booliska Gobolka Selal Gaashaanle dhexe  Muuse Xasan Riiraash,  ayaa,caddeeyay in 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Saylac in ay iskood u xidhan yihiin isla markaana aanay ka dawlad ahaan iyagu haysan oo ay fasax ka yihiin laakiin ay diideen in ay iyagoo xor ah in ay guryahoodii tagaan.

Waxaanay labada masuul intaa ku dareen in ay sugayaan wefti ballaadhan oo ka socda wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland  oo khilaafka xildhibaannada  xallintiisa u tegaya Saylac oo ka dhashay koox mudaneyaal ah oo sheegay inay xilkii ka qaaday Maayarka Magaaladaas Xuseen Iidle, isla markaana ay doorteen Maayar cusub oo xukuumaddu sharci darro ku tilmaantay.

 

 

“Xildhibaannadaasi iyaga ayaa yidhi halkaasaanu joogaynaa ama halkii nagala soo kaxeeyay ayaan ku noqonaynaa annaguna ma haysano xildhibaannadaas,maanta oo Jimce ah (shalay) waanu ku noqonay oo waxaannu ku nidhi guryihiinnii iska taga,wixii ay ka dacwoonayaana nidaamkeeda sharci u  mara arrintuna maaha mid xukuumaddu dhayalsatay waxaa  soo socda wefti culus oo hawshan gali doona,”ayuu  yidhi Guddoomiyaha Gobolka Selal.

 

Taliyaha qaybta booliskaoo  oo isna  ka hadlay ayaa sheegay in ay dhankooda diyaariyanaan wixii faldambiyeed ah ee goobta ka dhacay cid kastaaba   ha geysatee, waxaannu intaa ku ladhay in aanay xildhubaannadu booliska u xidhnayn.waxaannu  yidhi;  “Markii xildhibaanadaasi fadhi ay yeesheen ay kaga cawdeen in wasaaradda arrimaha guduhu u iman wayday oo ansixintii ka raagtay,waxaanay xildhibaannadaasi hor fadhiisteen xafiiskii golaha deegaanka ee degmada Saylac.  waxa lagu amray in ay ka tagaan xafiiska hortiisa markii ay diideenna waxa  lagu xidhay saldhigga  dhexe ee magaalada Saylac.

waxaana wasaaradda arimaha guduhu amartay in la sii daayo hase yeeshee iyaga ayaa diiday in ay saldhigga   ka baxaan waxaanay sheegeen in ay halkaa joogayaan wakhtina may cayimin annaguna boolis ahaan waanu diyaar sanaynaynaa galdacwadeed ahaan wixii meeshaa ka dhacay cid kastaaba dambiga ha yeelatee.wax gacan ah  oo loola tegayna ma jirto xildhibaanadaas.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply